WAAYEEL DHADHABAY
Darwiishka la oron jiray Nuur-Xaashi Cali Ibraahim, Sayidkuna aad u jeclaa oo uu xoolo badan oo geel, fardo, lo, iyo ariba leh uu siiyay qusuusiddana ka mid ahaa oo uu walaashii Cambaro Shiikhna u dhisay, oo aan laga filayn xumaan Sayid Maxammed iyo xarunta ku jeedda inuu ku koco, ayaa shirqoolkii Canjeel ka qayb galay. Markaasaa Sayidku qaadan waayey, dabadeedna gabay gaaban ayuu u mariyey oo wuxuu yiri:
Nuuroow Nuur-Xaashi Cali Ibraahim, wuxuu ka mid ahaa ragga Dariiqada loogu jeclaa. ninkii dhimira laa, dhowrsadoo baqa e Mar haddii u dhiirrado xil iyo, dheec Allaa badaye Ma dheellimatay waayeel dhadhabay, waa dharrici weyne
Mar haddaanan dhiig idinka gelin, dhaqanna kaa qaadin Oo aannaan hadal dhiifle iyo, dhaw xun idin taaran Oo aannaan dhimin reer tolkaa, dhamamax mooyaane
Haddii aan dhaqaaliyo wanaag, kugu dhareynaayay Oo aanan wax kuu dhimin, rag waa la iska dhowraaye Dhaandhaan miyaa tahay maxaad, iigu dhabatowday?
Rag ninkaan dhurmuumiyaaba waa, dhararaqdiisiiye Dhurwaaguba haddii uu hal dilo, waa dhayalayaaye Dheregtiyo ladnaantii miyaad, igula dheelaastay?
Dhifku inuu ku qaban waa hubaa, adiyo dhowrkaaye! Dhaqsaa Eebbahay kuugu ridi, dhaw aan kaa harine Waa kuu dhuunkaal soor waxaad, dhugux ka siisaaye!
Dulucda
Darwiishka la oron jiray Nuur-Xaashi Cali Ibraahim, Sayidkuna aad u jcclaa oo