Gabay Sare

WAA DUNI

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Gu’ga xaraame-cune la baxay deyrtii ka horreysay, ayaa dagaalkii Ingiriis iyo Daraawiish ka dhex socday istaagey, taas waxaa ugu wacnaa Ingiriis oo xeebta isugu tegay, markaasaa waxaa batay salowlihii iyo socotadii, tuugadii iyo dhicii, dhinac kasta ha ka yimaadeen ama ha u socdaane, taasu waxay keentay nin walba ninkuu arko inuu dilo, dhaco ama xado. Sayidku isagoo taa la fajacsan ayaa waxaa war lagu soo gaarsiiyay in Ingiriis doonaayo waanwaan iyo heshiis. Wadaaddiina heshiiskaas waaba u riyaaqeen, qaarkoodna waxayba yiraahdeen inaannu gaalada xiriir la yeelanno waa bannaan tahay. Haddaba, Sayidku usagoo tilmaan ka bixinaya wii uu hortii la yaabbanaa iyo warkaa loo keenay iyo saxariirta, silaca iyo xumaatada joogtada ah, ayuu gabay tiriyay, wuxuuna yiri:

Xuseenoow Allahaynoo sahlee, saancaddaa timiye Maandhow siqiir iyo kabiir, sida la yeelaayo Hadba suufiyey qaban intaan, soogsadoo kaco e

Surinkii aan joogaba dhulkaan, samay ku jeexaaye Salaadda sunniyo waajibikii, waa sahwiyayaaye Subicii quraankiyo wardigii, seegay waayaha e

Ma siraadna dhaayuhu haddaan, meel ka sowlixiye Ban saliid la moodiyo waddadu, surin ma dhaamaane Sogsogtaan maraa sida indhuhu, nimay saruurmeene

Maandhow nin caro suursanoo, saaqsan baan ahaye Sarduubkaa i joogee qalbigu, way saddamayaaye Suukaaya ciil baan arlada, sulugle meeraaaye

Suxullada uun baan labada law, suran alleykiiye Surmadaan ku kuudadaay, tan iyo saaca waabberiye Surkii bay igu jabay, foorarkaan seban u yaallaaye

Sidii soocan baydada ma hado, saakin iyo jiife Sardhadaan laamandhoodsado hurdada, waa ka salalaaye Goortay Sahuuraddu dhacdaan, suluf iraahdaaye

Saqda dhexe alleylkii markii, sahalka loo jiifay Saxalkiyo Mariikhii haddii, la igu soo suurshay Sawaxa iga soo baxay miyaa, Suurkii la i mooday

Sidii saxal najuumeed markaan, saxaha eegaayey Ma Samuuladkaan sida ayaxa, samada uugaanshay Ma saxaabka duuliyo cirkaan, sare u weydaartay

Sakar roob daruuraha salliban, saymo curanaaya Sarka dhabanta fiidkii markey, samadu ceegaatay Goortay suxuurtii ahayd, sarab miyaa fuulay

Goortii sawaaxiga gudgude, duni la saameelay Onkodka iyo sowdkii markay, samadu xiimaysay Hillaacii sabaaraha ka baxay, Sibi miyuu muujay

Ma sagaashankii baa go’uu, sagal ku geylaamay Dirirkoo siddeed maray miyuu, bar u siyaadeeyay Sammadiyoo kulaykii miyaa, saxansax loo dhaafshay

Saaq xamasha sooniyo cambuul, saani iyo waadhi Arligii sabaanigu ka dhacay, sarac miyaa fuulay Sanqaraara udugii miyaa, lala sumbaaxooday

Afartaa sifeeyoo ka dhigay, suufka oo kale e Waa mowjad seylaami iyo, saacad gaw tiriye Sawd kalena waa duniyadeer, si aan ka faalleeyay

Waa dunida uu kala sunsumi, salowlaheediiye Waa dunida subaxii baryaba, sare timaaddaaye Waa duni samaan iyo xumaan, sooran ay tahaye

Waa duni sir iyo tuugo iyo, saanji loo kiciye Waa dunida saami ugu dhacay, saabir iyo cayre Waa dunida siirkeedu yahay, siifad iyo hooge

Waa duni ninkaad saxarsataa, seedda kuu jaariye Waa dunida uu kugu sabbixi, seeddigaa dhabiye Waa duni aan saxariir cadaw, laga siqoonayne

Waa dunida sowraca kufriga, la isku saaweyne Waa duni sakaarkii lahaa, laga sabaayaaye Waa duni sagaal Talamugge, samanka taagaane

Waa dunida gaal lagu sallibay, sanac la’aaneede Waa duni sarwaan lagaga guri, sado ammaneede Waa duni sabaan aakhiroo, silic ka joogaaye

Waa duni ninkii sadar bartaa, sababi diinkiiye Waa duni siyaarada la siin, haaf sarkaaliya e Waa duni sarkaalkiyo ardadu, wada sinjaaraane

Waa dunida Soomaalidii, laga xantaagaaye Waa dunida sareedada la qubi, sulux caanoode Waa dunida saaq lagu gataa, salaba guud dheere

Waa dunida loo suuladaa, sakharra naareede Waa dunida soon laga tegiyo, sadaqad iideede Waa duni safkii laga bexee, gaal la saacidaye

Waa duni simaadhii jannadii, suus aan ku lahayne Waa dunida saab ferenji iyo, Saaxil loo kiciye Waa duni la saacidi kufriga, saaxir kuu colahe

Waa duni aan lagu soorahayn, siira kuu timiye Waa duni sokeeye iyo xidid, kala sawaaleyne Waa duni abaal laga samree, samo la diidaaye

Waa duni subayrdaarraddii, lagu salaamaaye Waa duni subbeyhiintu tahay, saadadoo kalee Waa duni siyaalaha la fali, laga sujuudaaye

Waa duni ninkaad boqol sidka ah, siiro ugu yeesho Waa duni inuu kuu sallimo, laga sugaaleyne Waa duni sun loo shubi ninkii, kuu saddiiq noqone

Waa duni sunbulaheeda dhici, lala sureeraaye Waa duni sirgaxanoo iblays, saababkuu rogaye Allahayoow subxaan qaaddiroow, naga salaameyso

Afartaa intaan saxay miyaan, siinka ka higaadshay Surmadiisa lama seejiyee, surin ma qaadsiiyey Meeshaan ku kala sooci jirey, soohdin mow mariyay

Nimanbaa suxuurta u kallaha, sabaq cadaadeede Oo suudi kulul marahayiyo, sool abaar badane Surmo iyo harraad bay ku tegi, Sibil dushiisiiye

Waxay suran sintaaraha xashimo, qaara siiqa ahe Dhirta ay saloolanahayaan, suumahaa go’a e Sogsogta iyo qodaxdaa ku jabi, suxulladoodiiye

Sebaan iyo sebaan bay maqnaan, saayid weheshaaye Sugukuun-Aallow bay ku immaan, soonfur dabadeede Salka intayan meel dhiginna, waa saafurahayaane

Awrkii sadaadaha lahaa, saaddambay rariye Sebaanka waxaa loo kaxayn, Saaxil iyo Ceege Saddex iyo sagaal bay u dhici, suuqyada belede

Siirkii muxuu joogay bay, kugu salaamaane Subaxay galaan bay ku gadan, sicirka maantaase Saddex hadday hoyaadaan ratiga, saaray qalabkiiye

Sumbulaha xaggaa bay ku lumi, siisihii Gubane Subaac iyo libaax iyo dugaag, saaruq iyo haayir Walidkood sursuur bay galaan, surin cayriiryoone

Hadalkaa sagtaa aan ku xiray, sadarka laabtayda Intii gabay su’aashiisa qabtay, saxa kalaankayga Sowdkaasna duulkaan ku wado, siinka ka higaadsha

Nimanbaa shareecada sirayoo, gaalka saacidaye Oo shalay safkii nagaga baxay, seymihii dhacaye Oo saarashada ferenjigiyo, saanjiguu xilaane

Awgii siyaarada lahaa, selel hadduu qaaday Oo ay sahwiday culimadii, saxal marikhowday Saxariirka aakhiro hadday, sax u ogaan weyday

Saqiir iyo kabiir waa la geyn, saqara naareede Soon iyo salaad iyo sakada, sadaqadii iiddda Sawaab kama helahayaan, waxay camal samaystaane

Saasna waxaa ugu wacan kufriga, saab la leeyahaye Saaxiibkaa wuxuu kugu furaa, soohdintuu dego e lyagaan ka saahidin wallee, saamax baan jirine

Sunnihii jidkii Eebbe waa, laga sawaalaaye Sallallaahu Nebigii rag baa, saaxirow yiriye Oo saalixiintii la dhacay, sulubkii dheeraaye

Hadalkaa sagtaa aan ku xiray, sadarka laabtayda Intii gabay su’aashiis qabtay, saxa kalaankeyga Sowdkaasna duulkaan ku wado, siinka ka higaadsha

Niman baa cilmiga saahiday, oo diinta saakubaye Oo aan sidii Eebbe yiri, sadarna moogayne Subaca iyo wardiga kama tagaan, saacadaha leyle

Waa wada sijaac geesiyaan, sabab ka laabmayne Waa sakhi kurtood deeqsiya, soof hadday bixine Suuraddooda iyo nuurku waa, saaca waaberiye

Sarkaalka iyo Hindiga waa dilaan, uma sujuudaane Surkana waa ka gooyaan, dadkii saaxirka ahaaye Soomaalidii uma turaan, saaruqa ahayde

Hadalkaan sagta aan ku xiray, sadarka laabtayda Intii gabay su’aashiis qabtay, saxa kalaankeyga Sowdkaasna duulkaan ku wado, siinka ka higgaadsha.

Dulucda

Gabay ka hadlaya xaaladda qallafsan ee dalku galay iyo is-bedbedelka dunida.