WAA CALAKO
Abbaaraha markay xarunta Daraawiishtu ahayd Mirashi, waxay hiyiga ku hayeen inay doonyo sameystaan si ay badda uga tallaabaan oo uga dagaal galaan. Xaaji Suudi Shabeelle ayaa bareere soo jeediyey oo wuxuu yiri: “Sayiddii, waxaa aniga ila qumman inaan badda ka tallaabno oo berriga carbeed u gudubno, si aynu carab ciidan iyo hiil uga helno, dabadeedna reer Maka iyo Madiina iyo Turkiga wax ula qaybsanno.” Sayidkiina wuxuu yiri: “War mindhaa suura geli meyso inaynu carab ciidan iyo waxtar ka helno ama garab iyo gaashaan gaalo inooga noqdaan!” Iyadoo aanay dooddii sii dheeraan, meeshiina aan laga kicin, ayuu Sayidku gabay yar tirshey, wuxuu yiri:
Waa calako meel yuurirtiyo, cunug aan weynaane Waa ciiryaamo roob da’ahayoo, ciiro iyo qiiqe Waa baradho ceeriina iyo, xuubka caarada e Cudud ma leh col kula weerar gala, ciidan iyo xooge Inkastey cid kuu soo diraan, waa cidloo kale e Caloosha iyo madaxay sidii, dumar cantuugaane Maandhow cayaayirka iga daa, carabi waa naage!
Dulucda
Sayidka oo ka jawaabayey soo jeedintii Xaaji Suudi ee ahayd in badda laga tallaabo si loo helo hiil Carbeed.