Geeraar Sare

TUURWAAYOW TOBAN HAL

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Guyaashi Daraawiishi qalcadda “Jiidali” ka dhisatay ka dib ayay madaxdoodii waxay la ahaatay dalkii Ceerigaabo ee buurta iyo bannaanka isugu jiraa inuu ka fiican yahay dalka Nugaaleed xagga dagaalka iyo daaqaba. Dabadeed, waxaa guddoonkii ku go’ayin xarunta loo raro Jiidali oo Ceerigaabo 25 mayl dhinaca bari ka xigta. Haddaba Sayid Maxamad isagoo u warramayey madaxdii degmada dalkaa fadhida u talinaysay si ay Daraawiishi gacan iyo gargaar uga hesho, nabadgeliyo iyo walaaltinimana loogu wada noolaado, ayuu geeraar toban qodob ka kooban u diray intaan la guurin. Wuxuuna Sayidku yiri:

Tuurwaayow toban hal oo, ta’da looxa ku taal baan, La tawaawacayaayee, bal tixdayda dhegaysta Jannadii aan tagnoo, cadaab yuunna taaban,

Tubtu baan oran maanta, toobad mayla gashaan? Tub dheer baan ku socdaayo, tababaalaa i wadda oo Ciddaan soo temedshay, tol ma ii noqotaan?

Shisheeyaan ku tallaalmayoo, tasow baan ku maqnaa Haddaan tuurtay dushiinna, xaggaan awrta tu’shaa? Muslin weys temmedshaayoo, ninkay towsi ka laacdo

Turuggaa la qabtaaye, tiir ma ii noqotaan? Abaal waa la tabcaayee, haddaan teeyada geela Tammin weyn idin siiyo, wax ma lay tarayaa?

Turufleyda amxaariyo, nimaan ii turahayn iyo Tiirri baanu collownaye, taag maxay hidisaan? Haddii ay taladeenniyo, tofiiqdeennu heshiiso

An tabays ma aqaanne, adna taar ha waddayn Tumbuujooyinka hoosiyo, tahluukooyin qarsooniyo Tuugo aan damihayn iyo, talo baas naga daaya.

Dulucda

Geeraar loo diray madaxdii degmada Ceerigaabo ka hor intaan xarunta loo rarid Jiidali.