Gabay Sare

TEBIYA OO GEEYA

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Xarunta Daraawiishta oo ku taal dooxada la yiraahdo Cadadheero, geeli iyo xoolihiina Nugaal gudaheeda fadhiyaan oo ay Daraawiishina ku xeeran tahay ayaa col xooladdoon ah Bile Samatar Cismaanna madax u yahay, kana soo duulay Bari iyo boqor Cismaan soo kor fariisteen. Dabadeed niman korjooge ahaa oo Daraawiisha ayaa colkii arkay, markiisna ka soo digey. Subixii dambe Daraawiish oo ciidansatay iyo colkii oo weerar ah ayaa is helay, halkaas waxaa lagu wiiqay ciidankii Bile, isagiina waa la qabtay. Sayidku gabay gaaban oo uu arrintaas ka mariyey, wuxuuna ku yiri:

Inaan Bile tagoogaha ka xiray, tebiya oo geeya Inuu xaarka taallada ka dhigay, tebiya oo geeya Inaad gaalo taag daran tihiin, tebiya oo geeya Labamaarre inuu tiirsan yahay, tebiya oo geeya Shanle-Dheere inuusan wax tarayn, tebiya oo geeya Cabdirixiin inuusan tol helin, tebiya oo geeya Daraawiishi inaysan turayn, tebiya oo geeya In Astaadku tiir dhaaban yahay, tebiya oo geeya

Dulucda

Gabay ka dhashay markii la jebiyey ciidankii Bile Samatar Cismaan ee soo weeraray xarunta.