SULDAAN FAARAX
Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ayaa gabaygan u mariyey Suldaan Faarax oo uu ku boorinayo inuu dariiqada iyo waanada diinta raaco, kana fogaado qasirka iyo xumaanta. Wuxuu yiri:
Suldaan Faaraxoow Suldaan Faarax Islaan Aaden. laga wareer, wecel Cismaanow e Dunida weerar buu gashoo waalay, reer Bariye Khalqiguu waddarey waa kan yimi, waadi xalimeede
Waxaddooda caydhuu ka dhigay, waa tan walashlayne Oo ay waddada soo hayaan, waa beryiyo fiide Wiriirkaa baxaaya dugaag, webaxsan weeyaane
Adse weled xalaalaad tihiyo, waalid kheyr qaba e Weedhii astaadkiyo ku gale, waanaduu yiriye Adiyo wiilashaadaba janniyo, waasac bow qorane
Wahsiga iska daayoo ku qayb, waxa lagaa dooni Walaalkaana iga yeelo oo, weyrax hay gelinnin Diintana wadeexada ka dhowr, Waaxid baa jira e.
Dulucda
Gabay Sayidku u mariyey Suldaan Faarax Islaan Aaden.