Gabay Sare

SHIIKHYAALE

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Ciidamada Daraawiishta waxay ka koobnaayeen afar guuto oo isku xiran: 1. Maarreweyn, oo ahaa nimanka dagaalka u qeybsanaa, dibaddana wareega. 2. Qusuusi, oo ahaa nimanka Daraawiish talada u hayey. 3. Gaarhaye, oo ahaa nimanka xarunta ilaaliya iyo laamaheeda. 4. Reer beede, oo ahaa nimanka xoolaha dhaqaaleeya. Intaasoo idil markii laysku qaybiyo waxay u qaybsanaayeen toddoba col, oo midba lahaa xoolo u gaar ah oo laga maamulayey xarunta weyn: Shiikhyaale, Golaweyne, Taargooye, Indhabadan, Miinaale, Dharbash, iyo Ragxun. Col cololkaas ka mid ah oo ahaa Ragxun ayaa geeloodii la dhacay, dagaalna looga adkaaday. Haddaba Sayidkoo colkaa dhaliilaya, col kalena ammaanaya ayaa wuxuu yiri:

Shiikhyaale gaade iyo col weyn, haatan laga gaarye Goor iyo ayaan nimanku waa, gaardiyahayaane
Golweyne maantii la galay, gaaladii jebiye Girligaanku waatuu la dhacay, Gureygii fiicnaaye
Taargooye kama soo gabbado, guuyadiis dhacane Gaalaysku waa gelin hayaan, nimay la gaaraane
Indhabadan rag wada guurtiyo, geesiyaa dhalaye Ninna uma garaabaane dan baa, looga gees maraye
Goobta Miinaalaan laga eryoon, Geydho iyo laane Abidkood goob laysku galay, geeri ma la’aane
Dharbash Eebbahay baa galladay, goob u dirirkiiye Abidkoodna ceeb lala guri galo, guri ma keenaane
Ragxuntii gafuurrada xumayd, taa la garan waaye Geeloodii waa tuu la tegay, gucun Majeerteene!

Dulucda

Ciidamada Daraawiishta waxay ka koobnaayeen afar guuto oo isku xiran: