Gabay Sare

SAYID BAA KA QABAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Nin la oron jiray Colujoog Aadan Jugle ayaa wuxuu mariyey, gabay faan ah oo uu ugu gooddinaayay dadka ay xeefta iyo xafiiltanka lahaayeen. Gabayga halkudheggiisu wuxuu ahaa: “Sayidkoo ka baqay geelayaga, Seeto soo degaye. Seenyoy waxaa lagu maalayaa, aniyo Saacwaale. Saakana wax sahan loogu diray, Lebisagaalaade.” Sayid Maxamad markii gabaygaas loo mariyey waa ka dhirfay, siiba tixda isaga magacaabaysa, muddo ka dib ayaa ninkaas geelashoodii iyo kuwii la xerada ahaaba Daraawiishi gacanta ku dhigtay. Goortaasaa Sayidku gabaygan mariyey isagoo tixraacaya gabaygii Colujoog mariyey, wuxuuna Sayidku yiri:

Geela siisahaygii arkee, Seeto laga cayrshay Ee suudigii lagu eryiyo, soolka iyo hawdka Oo Lebisagaalaad maree, Saaxil loo qaxiyey Sayid baa ka baqay waa halaan, saabka galihayne Nin waliba sinjigii waa tagaa, siiraduu yahaye Alla hadalku saxariirsanaa, waa sab alabkeede Waa sugurdhe Colujooga yiri, saajac baan ahaye Saraakiil nin gowracahayuu, saa’ilahayaaye Hadduu Sugulle Caynaanshe yahay, sidaa ma yeeleene Wiilyahow salaafxumada waa, saymhoo kale e Waa lagu sixraye kuma dhacdeen, surin ciryoone Sirqayahay waxaad raadin waa, sababul mowdkiiye Waa saadsataye Ina-Jugloow silic ma joogteene Saakana maxaad oran lahayd, saabir baad tahaye.

Dulucda

Jawaabtii Sayidka ee ku aaddanayd gabaygii faanka ahaa ee Colujoog Aadan Jugle.