Geeraar Sare

SAW… MA AHA

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Muslin iyo gaalba dadkii Sayid Maxamad Cabdille ka gees ahaa waxay ku tilmaameen inuu dawgii sharciga ka tallaabsaday oo dil iyo dhac u bareeray dad wixiisna xalaalaystay. Haddaba isagoo ka warramaaya naftiisa iyo ujeeddadiisiiba xagga islaannimada, Ilaahaqoonta, xagga jihaadka iyo aftahannimada, deeqda iyo xagga walaalnimada ayuu Sayidku gabaygaan mariyey oo wuxuu yiri:

Nin Ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaalaaya Ashahaado loo qoray nimaan, kala illaaweynin Oo aan inkirihayn xaq waa, la oggolaadaaye Nin salaadda awqaadda, faral u addimoonaaya Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya Oo aan afurin soonku, waa bilaha iideedee Adduunyadiyo xoolaha ninkii, aragti dhiibaaya Oo inuu ohay yiraah, ka istixyoonaaya Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin Nimaan diinta aafo u galayn, aakhiruu sabanka Oo aan amxaarada sidii, obo u yaaceynin Oo gaalka ooradu ku taal, u askareynin Nimaan abuurka Soomaaliyeed, ka anfi taageynin Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakoonaynin Nin jihaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray Ingiriiska eyga ah ninkii, ugu uneexaaya Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e Asaraar ma fiicnee, runbaa lagu arooraaye Ninkii aynigaa lagu yaqaan, aw islaan ma aha? Shir aguugay waayeel abyamay, talo ashaaddowday Irda jiqa albaabo isku xiran, eel la bixin waayay Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay Nin aqoon leh aw iyo haddii, odaya loo saaro Inkastoo ayaan iyo ayaan, lagu oloollaado Ninkii maalitaa ka arrinshaa, aaqil aw ma aha? Wiiwiida qaylada haddii, uubatadu yeedho Sangootida ilwaadda leh haddii, agabka loo qaato Awaaraha buska leh maalintuu, Xamar abraaraayo Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo Maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay Maantuu isaayuhu ka dhaco, idil dagaalkeeda Maantii fuluu naga ordo, alaba soo rooro Maantii raggaan loo ilayn, naga ugaaroobo Maantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha? Nimaan edabdarroonayn xil, waa laga ajoodaayee Aflagaadda aan jirin, nimaan kuula imaanaynin Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya Ab uu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya Abtirsiinya kii xigay nimaam, iniq u dheereynin Addoomaha Ilaahay nimaan, kala irdheyneynin Ninkii aammusoo shib ah haddii, erey xun loo geysto Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo Aan xaajo awgeed la gubay, ubucda jeexaynin Anigaa naxariistee Xuseen baan, u ammaan sheegaye Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin Oo xeeryo soor lagu akhatimay, ibir ka yeelaynin Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin Intuu aqalka baanjiyoo, nimaan aradda guuguulin Aagaanta ciirta nimaan, aaska dhigaynin Oo aan qumbaha awdinoo, ilaxirkow jiidan Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin Oo kuu ixsaan fali intuu, edge adduun joogo Oo aan abaaldhaca aqoon sow, akhiyaar ma aha? Ari badan lo’ iyo geel intii, mulug adduunyaada Ugub dhalaya qaalmaha umulee, laga unuun gooyey Eeraan fardood iyo gammaan, aradka duulaaya Aqal weyn aroos bilic leh oo, ilaxir loo yeelay Inan quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo kheyli Oo qool asliya loo gashoo, jalamtu eedaami Nasteexiyo wanaag nikii, ilindi kuu keenay Umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya Ninkii maalinta iillaan tahay, aana kugu qaata Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin Itaal xumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?

Dulucda

Sayidka oo ka jawaabaya eedaymaha dadkii isaga ka soo horjeeday, kuna sifeeyay naftiisa sifooyin muslimnimo iyo halyeynimo.