Gabay Sare

SAHA KACAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Wax badan ayuu Ingiriis ku dedaalay inuu Sayidka iyo Daraawiish gacanta ku dhigo, hase yeeshee markuu xoog ku muquunin waayey, wuxuu isku dayay inuu sabid iyo sabaalo ku dayo. Wuxuu ku guubaabiyey dadkii dhiniciisa ka soo jeeday inay Sayidka u raraan gabdho guryo wacan ka soo jeeda, hase yeeshee Sayidku taa wuxuu u qaatay qoolad iyo xeelad, umana khushuucin. Haddaba, markuu Sayidku arkay waxa arlada ka taagan oo xurmo la’aan ah iyo sida uu nin waliba gaalka xaggiisa u xaglinaayey, ayaa waxay Sayidka la ahaatay inuusan ninna aamminin. Gabaygan waxaad Sayidka mooddaa inuu sagootin uga jeedo:

Saha kacay sababahakan dhacay, samada qiiqowday Sannahaabo iyo qaylo iyo, siigo iyo weerar Dunideer saraayada col iyo, salowga oomaari

Saaxiibbadeer kala ordee, sadarba meel saday Sokeeyaha safeyn kala noqdee, suuqyadeys geliyey Soddognimo qaraabiyo hadday, siiradi dhimatay

Ummaddii salaaf iyo hadday, sagan la roorayso Hadday saacideen gaaladii, saraca keenaysay Sallallaahu Nebigii haddii, sowjar laga doortay

Saraakiisha dhoorka leh haddii, lagu sarqaamaayo Suweyn baan dadkiis ahay haddii, sowdka lagu yeerin Isagu seeruhuu dego haddii, saakun laga yeeshay

Awgii siyaarada lahaa, salal hadduu qaaday Oo ay sahwiday culimadii, saxal mariikhowday Saxariirka aakhiro hadday, sax u ogaan weyday

Hadday sanantay maantii sharciga, saaca loo kiciyay Oo ay subbeehiin noqdeen, silic Alla u keenku Ka subxaanallaahiye kufriga, sanac hadday moodday

Sidii Eebbehay yiri haddii, laga sawaalaayo Soonkiyo iyo salaaddii haddaan, suura laga haynin Sekadii Ilaahay haddaan, suus la bixinaynin

Xajkii sun iyo waabay haddii, loo saddimanaayo Ninkii soof xerayn jiray haddii, saabir laga yeelay Sirqadii gabowdiyo haddaan, sebi la dhaafaynin

Sir iyo tuugo saanjigaa la fali, saaka iyo caawa Subaxdii waleetaba dulmiga, la isku sawalliilin Saddexdii walliyo been waxeer, suuqa lala meeri

Sunniyo waajib sooryada martida, sadaqaddii iidda Suugaanta iyo suufinnimo, saamixiddii diinta Sucdigii haddii laga tagee, samo la diidaayo

Gabar suura aqal saari badan, dadab la saynsabay Soddon baarro saablay gingiman, sareba ceegaagta Salli gogola saahood la shiday, saaqatada qaaca

Sannifaad xariiriyo baftiyo, khayli iyo suuti Sengo buuran soogaan darmaan, salaba guud dheer leh Sidko ramag seenyiyo idiin, Soobir iyo Ayro

Nimay sararo weyn gool sikiban, qaalmo surunsuura Abeer suruqda oo awrsanoo, siigan lagu qooqshay Lo’ sammuulad arigoo sunuumi, sabada oo buuxda

Sareedadii Ilaahay haddii, loo saldhigi waayey Si gurracan haddii lagula kici, sado ninkuu dhaanshay Goortii lagaa sido haddaan, lagu salaamaynin

Saadkii hadduu dhici ninkii, lagu sibbaaraayey Hadduu siir xun kuu qaban ninkaad, sare u qaadaysay Inkastaad saxiix tahay haddaan, lagu sinaadaynin

Ninkii xaqa u saahida haddii, saa’il lagu maagi Weliyada sawaabka leh haddii, suufka laga diiran Haddii aan safiih nimaan ahayn, laga saarrigaynin

Intii kugu sintaarrayd hadday, siifad kula dooni Nimaan saaqna kaa gelin hadduu, suudi kugu meerin Adaan sara u yeellayn haddii, lagugu soo haadi

Hadday teeddinimo baaqatoo, siira tari weyday Saddiiq nimaad ahaydeen hadduu, kuu sallimi waayey Ninkii kheyr sunneyn jiray hadduu, samir Ilaah joogo

Nimanyahow siyaalaa jiroo, saancaddaa timide Sifaalaha adduunkeera waa, lala sureeraaye Malaa saacaddii baa dhawoo, suurkii la afuufye

Sugi maayo kheyrkay wuxuu, seegay waayaha e Waatii saxaabkii la jaray, suubannaan jiraye Soddon-guuradii waxay ahayd, sannadda maantaaya e

Siinniyo Hindida Siidaamo Siig iyo Reendiinle Sudeen iyo Sureer iyo Hawiye, Sab iyo Soomaali Subeer Maxamad Siwaaq Hartiya, Sade Marreexaane

Sanku neeflc oo idil haddii, saafi laga waayay Oo aan samaain laga helayn, si xil le mooyaane Marka inaan dantay seego, waa igu silloonaane

Nin sidayda oo kale noqdaa, sebi ka weynaaye Ninkii suqayar ii filahayow, sayncaddaan ahaye Inkastoo la ii saamadaho, sowdka waan garane

Haddii uu nin siriq ii maldihi, samasha ii daadin Haddaan lay sandihin waan ka didi, saarka laaca ehe Suryada iyo hantaqa ay qodeen, waan ka suudaliye

Uunkaba saqiir iyo kabiir, waan ka sowlixiye Inkastay salaax igu wadaan, ima sabaayaane Sanqadhaan ka didayaa sidii, sanis ugaareede

Sonkor iyo sarreen malabkiyo, sixin ku iidaaman Haddii lay sanuunado hilbiyo, Sado la googooyay Saneeggaan ka rogayaa waxay, iigu suul dhabiye

Sii kac oo tag baan oranahayaa, saadambaan imane Aroos reer suldaan iyo ninkii, sowjad igu dheelmi Dabadeedna sool hawada iyo, seeri baan xuliye

Saqaafaha cagtaa raadku, waa siisahoo kale e Markuu saamasaamaha galaa, lagugu suufaaye Sallax dhagaxa meeshaan lahayn suulashaan dhigiye

Waayeel sahay ii wadiyo, saami iyo xoolo Sarsarkiyo hadday soo degaan, suuqa gurigayga Sad inaan ka qaatiyo ma jiro, inaan ka socdaaye

Cimrigay sagaal boqol haddii, lagu siyaadeeyo Nimankii iblays igu salliday, suruq anaan keenin Sadarkayga kuma taal inaan, sahal u raacaaye

Haddii seefo iyo maarre iyo, sumuc la ii qaato Cadaawuhu hadday igu solaan, sakhra naareedda Meeshiyo Sawaakimi haddii, la iga seeraarsho

Sekadii Cadmeed iyo haddii, Saaxil la i geeyo Ferenjiga la saariyo haddii, la igu sooyaansho Samci maayo sowdkaan ahayn, siinka looxa ahe

Eebbow salaamay anaan, sadarka weydaaran Mar uun baan sursuuraha ka bixi, saymahaan galaye Eebbow naflii kale sugaye, adigu ha i soocin!

Dulucda

Gabay sagootin ah oo Sayidku kaga hadlayo khalkhalka adduunka, xishood la'aanta dadka iyo go'aankiisa ah inuusan marnaba kufriga raacin.