SAGAAL NIN OO WALAALA AH
Sheeko ku-tiri-kuteen ah, runse u dhow waxaannu ku helnay in Ingiriisku Sayidka u soo diray siddeed nin oo Soomaali ah si ay u dagaan oo u dilaan, dawga Ingiriis doonayana Sayidka uga ridaan. Nimankii hadday xaruntii tageen, si fiicanna la isu dhex galay ayaa Sayidku sirtoodii iyo xeeladdoodii ogaaday. Haddaba markay u caddaatay in nimankani ismalaakadceed yihiin, sir iyo musuqmaasuqna wadaan, ayuu ku tallamay inuu laayo, hase yeeshee iska dhaafay. Sayidku intuu jicsinka u adkeeyay, ayuu farxaddii keenay si uu Daraawiish ugu sheego inuu sirtii gartay, nimankiina u sagootiyo. Wuxuu yiri:
Sagaal nin oo walaalo ah sideennaas Siddeed isku bah tahay sidiinnaas Ninkuna bah gaar yahay sidaydaas Siddeeduna ninkii siri sidiinnaas Ninkuna sirtii garan sidaydaas Haddaynu isa siri sideennaba Mayska kala tagnaa sideedaba.
Dulucda
Geeraar kooban oo Sayidku u mariyey siddeed nin oo Ingiriisku u soo diray si ay u dilaan, ka dib markii uu sirtooda ogaaday.