Gabay Sare

REERKAYGA KAMA SOO RAREEN

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

1904tii ayay Daraawiish udubka dhidbatay xeebaha Ayl, Ilig, Gabbac, Hawd-Bari iyo Nugaal xaggeeda hoose. Barwaaqo iyo baraare ayay ka heleen. Iyadoo si aan loo oolli doonin loo yaal, ayaa nimankii qusuusidda ahaa oo Daraawiish caynaanka u hayay ku taliyeen in xarunta loo wareejiyo godanta Nugaaleed (Taleex). Maxaa wacay geeli baa dhulkaa dhagaxa ah oo badda u jeeda ku xumaaday. Markii reerkii dhooddi iyo guda Nugaal lagu furay, waxaa dhacay abaar xoolihii ku xumaadeen. Nin Daraawiish ka mid ah ayaa tiriyay gabay calaacal ah, Sayidkuna isagoo taladii qusuusidda haaraamaya ayuu gabaygan isna mariyey:

Rannag dhalay lo’ wada riira iyo, raasumaal ariya Rigta ciirta caanaha la raqi, racawadii maalka Ragraag sixinta oo gob weyn, lagu rabbaasaayo

Rogob iyo baruur iyo caddiin, ramaqsigii goolka Raka sare rawaaxi iyo xiriir, raarta laga buuxshay Ribix waxaan ka helay maalintaan, rababkii Ayl iillay

Ra’yigeyga kuma hayn inaan. rug uga guuraaye Wax rafaad i soo galay markaan, awrta soo raraye Rabbi nimaan aqoon bayga qubay, raaxadaan qabaye

Rag baa igu cabiidshaye, Nugaal risaaloone Nimanbaa riddaan igu wadaye, raalli ma ahayne Reerkeyga kama soo rareen, rabadinkuu yiile

Sidaan raaska dhooddi ugu furay, rina ma dheefayne Goortuu rammaaslayda yimi, ruqay adduunkiiye Risiq lagama helin geelashii, reysinka ahaaye

Kolba haddaan ka soo ruqay kobtay, ramastu ii tiillay Kolaan nuqur jabsado maalintay, rayadu geedowdo Amaan raran gashado quullihii, raanta le’ekaaye

Curdunkii ruguugacay kolaan, rubuc ka soo beegto Amaan miraha roobkii ku baxay, ragad ka soo buuxsho Haddaan Hawd rabalkiisa aal, dan uma riiqdeene

Waxay ii riyaaqsheen dalkii, reebida ahaaye Waa meel dugaag roorayoo, ruqumbiyaaye Waa meel raqdii aad tagtaa, rux dad ey tahay

Waa meel aan raan geedo weyn, raxan ka daaqeyne Waa meel ris iyc caws rudmo ah, laga rifayaaye Waa meelaan raandhiis lahayn, ruus ka soo baxaye

Dulucda

Sayidka oo ka calaacalaya abaartii ku habsatay Nugaal ka dib markii xarunta laga soo raray xeebaha Ayl iyo Ilig.