Gabay Sare

RAYIDOW

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Guyaashii Daraawiishi calanwalleyneysay, gumeysiguna dalka iyo dadkaba boobaayey, ayaa Soomaalidu u qeybsantay lix qeybood oo kala ahaa: Rayid (Ingiriis-raac), Gadhcas (Boqor Cismaan), Dhabayaco (Keenadiid), Huwan (Amxaaro-raac), Daraawiish iyo dadkii xeebta koonfur degganaa. Haddaba iyadoo uu Sayidku qolo walbaaba u gabyayey ayuu gabaygan soo socda wuxuu kula hadlayey qolada Rayidka ah. Ujeeddadiisu waxay ahayd mar ay ergooyin isdabajoog ahi ka yimaadeen oo ay doonayeen Daraawiish inay u soo celiso xoolo badan oo laga dhacay. Hase yeeshee, Sayidku wuxuu tusay in Daraawiishtaba xoolo badan xaggooda kaga maqan yihiin oo in wax la isdhaafsandana ay oggol yihiin, hadda kalase waa inoo dagaal iyo duullaan ayuu war ugu dhameeyey. Wuxuuna Sayidku yiri:

Rayidow Garaad nimaan lahayn, waa geddaad tahaye Gardarradiyo maaggii horaa, geeridaa dhigaye Gef waxaan ka tegin baad tahaye, gaabso hadalkaaga

Galla’ weeye madhan xaajadaad, nagu galeysaane Waa micro gardaato ah halkaad, nagu gubeysaane Garow kaama helayee Rabbaan, guul ka sugayaa

Godobteyda oo idili waa, gaafo ii maqane Hadduu Eebbehay igu gallado, goor dhow baan heliye Maruun baan ku gaaddiyi xaqaad, iga gallaafteene

Afartaasu waa gabayga weyn, gogoldhiggiisiiye Geesaha ka soo curay sidii, garama roobaade Gobo’ kalena waa eray yaraan, idin garyaaqsiiyey

Wixii gaalka sheegtaba markuu, igu gadoodaayey Gubniyaalka fooska ah markii, la igu soo gaashay Giddigeed nasaarada hadday, gamaska ii qaadday

Maantii gabeyraha cabsida, galowgu eeraamay Guutooyinkii maalintii, la igu goodaadshay Gaaskii la ii wacay markuu, igu galaal xooray

Gebagebada xoogga leh markay, gaydho ololeysay Guuyadeyda oo idil markii, garangar loo waabay Maantaan genbi iyo ciil iyo, gacal xigaal waayey

Gadhmadoobe gaaguran gadhliyo, gaanne iyo sheybe Maantaan gurbood iyo dhallaan, gaban la ii dhaafin Maantuu raggaygii ku go’ay, galangashuu jiifey

Geesaaska naagaha haddii, giida la waashay Sidii Cawl gantaal qaba maalintaan, gibil madoobaadey Raggii gibilka ii riday wuxuu, igu gobeynaayey

Anigoo geddaandhaban caraa, lala guhaadaaye Waxba kaama goynine haddaan, gacanta kuu dhiibsho Waxaan kaa gunaaftaaba waa, gaadmo oo kale

Gashiyo aan ganbiyo qeyd haddaad, go’na ii sheegan Anigaaba geer iyo dhaciyo, guuldarrow qaba e Waxa goobta igu reebay waa, gaanta aad tahaye

Guudkiinna waxa fuushsan, waa gini caskeygiiye Aan garteenna kale goosannee, gole inoo xeera Hadda kalase guutooyin iyo, gaas col iga dhowra!

Dulucda

Gabay ku socda qolada Rayidka (dadkii Ingiriiska raacsanaa) oo Sayidku ugu hanjabayo dagaal ka dib markii lagu heshiis waayay xoolihii maqnaa.