Gabay Sare

RAGGA AYL U KACAHAYOW

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Waxaa la wariyey in guyaashii Daraawiishi fadhiday Ayl iyo Ilig, xaruntuna Galigaalle ka waabnayd. Darwiish la oron jiray Aw-Jaamac, ragga daarta Daawad hayana ka tirsanaa, wiil uu dhalayna uu Daraawiishta u hagaajiyo banaatiikhda ka xumaata ayaa lagu xujeeyey inuu arigii la siiyay wada qashay oo damacsan yahay inuu Daraawiish ka tago. Dabadeed Sayid Maxamed baa gabaygaan u mariyey oo wuxuu yiri:

Ragga Ayl u kacaayow farriin aada iga geeya Aw-Jaamac dhaha aakhiriyo Eebbe ha ilaawin Nabsigaan ayaan soo dhaxayn adigu ha u yeeran

Uquubiyo inkaar aadan qabin abid ha soo jiidan Nin ikhwaanahoo kula arrimin maqal akhbaartiisa Halkii kuu ekaad adigu tahay anafo ha u yeelin

Arrinkaad waddaa waa hunguri ababadiisiiyee Uurkaaga uun dhereg la doon waa Allow sahale U adkayso gaajada wadaad aaqilaad tahaye

Arigaaga dhaqo cayri waa taad abuur garane Adarka ha ku ridin xoolahaad ku amranaydeenee Adduunyada ku tacab maanta waa aakhiruu sebene

Astaadkiyo Ismaaciil wax ku ururin maayaane Arsuqaaga Eebbaa hayee axanka ha isdhaafin.

Dulucda

Waano iyo canaan loo diray Aw-Jaamac markii looga shakiyay inuu doonayo inuu ka tago Daraawiishta.