Gabay Sare

RABBAA DEEQ LEH

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Rag badan oo Daraawiish ahaa waxay sheegeen inaan Sayidku gabay la sheego marin 1904tii ka hor. Waxay yiraahdeen gabaydan yar yar ee soo socda oo aan isku xarafka ahayn ayaa ugu horreeyay gabay uu mariyo. Waxaa suuraggal ah oo iyana loo malayn karaa in gabayadan, mid kastaa intan keliya laga hayo, wuxii kalena ay lumeen, runtuse Eebbaa og:

Rabbaa deeq leh roobbaa qabow, raaxo nabad baa leh Jannaa ruga raxmaan baa baryo leh, raacis Nebi baa leh Werdaa ridis leh weli baa rilla leh, rabid shareecaa leh

Run baa fiican beenbaa rufucan, raran cadaab baa leh Rataa xoog leh geel baa ruko leh, ramag haleelaa Ieh Araa raxan leh reer baa raqsi leh, rogob wan weyn baa leh

Bad baa reen leh rays baa cunto leh, ruqa abaar leh Goraa raan leh aar baa riddama, rooris faras baa leh Jannaa udug leh jiic baa godgodan, jahanamaa qiiq leh

Jigraa ridis leh xoolaa Jigjiga, jooga anigaa leh Wuu soo jibaadaba libaax, jees maraa mlcile Allaa xoog leh diinbaa xarbl leh. tegid xajkii baa leh

Gobbaa xigid leh xoor baa dhanya leh, dhaqasho xiita leh Xasad iyo xumaan laysku dilo, xiisad beled baa leh Aqal xeerar wayn xaal gobeed, xilasho gaaraa leh

Xurmo iyo wanaag loo xishiyo, xidid galbeed baa leh Waxaan kaa xishoon iyo ximaar, xeewal bari baa leh Allaa weyn cirkaasaa wahdiya, waaya duni baa leh

Dayax iyo shamsada deyran baa, daalac iyo nuur leh. Lo’ baa sixin leh ari baa sadaqo leh, xooryo ibil baa leh Bir baa sulub leh soofaa wax jara, tamayo geed baa leh

Wax ciyoonba loo go’iyo … sumuc baa leh Cashrigaa wax laga soo rogiyo, cagana Dhooddaa leh.

Dulucda

Tixaha ugu horreeyay ee laga hayo maansada Sayidka, kuwaas oo isugu jira xikmad iyo wacdi.