Gabay Sare

QAALI WAXAAD TIRAAHDAAN

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Waxaa la yiri gabar Ina-Sayid Maxamed ah oo la oron jiray Qaali, ayaa aabbeheed hore u arki weyday, dabadeed farriin bay ugu fartay eeddadeed Jamaad Sh. Cabdulle. Sayidku markii hadalkaas loo sheegay wuxuu isna gabadhii u mariyay gabay oo wuxuu yiri:

Qaali waxaad tiraahdaan, qowlkaagii ii yimid Dharkaad u qawadaysiyo, qalbigaagu wuxuu rabo Qaddar Eebbe mooyee, qayb waa lagaa siin Qurxi hadalka aad tiri, qababoosh ma fiicna e Quraankana ha laayicin, salaadduna qalle u diid Habartaana qaarido, waalid laguma qooqe Qabbaan iyo farsamo baro, yaadan qiiqa beeline Qoyskiinna mooyee, qolo kalena haw tegin Hugaagana qordheeyoo, qalyannimo iska ogow Quudkana iskaga tuur, ninkii raba ha qaatee.

Dulucda

Sayid Maxamed oo u jawaabaya gabadhiisa Qaali oo fariin u soo dirtay.