OGAADEENKA CIIDEED
Boqol nin oo Daraawiish ahayd oo ay reer Dalal gardarro u laayeen baa Daraawiishi aad uga xumaatay. Dabadeed col lixaad leh ayey Ogaadeen u bixiyeen. Waxay geel lahaayeen, duunyo waxay lahaayeenna waa taabeen. Gebagebadiina waxay ku oodeeen balliga la yiraahdo, Caado. Dhowr toddobaad ayay halkaas ku sugeen raacdo geelaas ka daba timaadda, hase yeeshee wadnaa diiday in hal Daraawiish u gacan gashay qori laga daba tuuro. Ka dib Sayidku gabaygan ayuu mariyey:
Awal maanso caashaq uma qabin camalo sheeggeede Calooshayda uun baan ka helay inaan ka caagaaye Cod yaroo isoo galay balaan caynka ka higaadsho
Ogaadeenka Ciideed Waa dhulka ciidda guduudan leh, oomanahana u badan. ma dhamo caano loo shubaye Cawdiyo firaashkiyo dermada kuma caweeyaane Nimankii xadrada caayi jiray culus ma maalaane
Ninkii caasiyaan Eebbahay cidhib ka reebayne Geelii casuurada ahaa cooddidiis helaye Camankayga waxaa loogu riday calaf Ilaahaye
Cudud nimaan lahayn baan ka helin duul cadaawa ahe Cuyuunkii galbeed maalintay cararaqlaynaysay Cabdilliyo Subayrow markay kuugu cabanaysey
Caqlidiirsha maantay lahayd yaa ciddii Dalala Ee aan caraadkiyo ku daray cayda iyo maadda Inaad ciiska soo rogato yaa kuu cindi ahayde Waxaan Caado Balli ku sariiran Haraxagarrey. xeraduuga dhigay ciidan baw imane Inaad ciil badan u dhiman waad ogayd amase caydheedc
Haddii aad caddaan uga tagteen ciiradii shalayto Aad cagaha rogateen sidii cawsha iyo siigga Anigaa cidii immanaye Ceelis Waxaa la yiraahdaa Bullaalo iyo ceelal ku xeeran. igu dhowra!
Dulucda
Daraawiish oo Ogaadeen ka daba tagtay ka dib markii boqol nin oo Daraawiish ah lagu laayay galbeed.