Gabay Sare

OGAADEEN HADDAAN AHAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Cali Aaden oo ku magic dheeraa Cali-Dhuux, kana mid ahaa raggii inta Daraawiish ka tegay ka soo horjeestay oo had iyo jeer Sayid Maxamad ay is warmayn jireen, gabayo cay iyo aflagaado ahna isu marin jireen, ayaa Sayidka gabay cay iyo diradiro ah u soo mariyey. Gabaygaa halkudhiggiisu wuxuu ahaa

Allahu akbar eedaanku waa, kaa afkiyo beene Ashahaaday gaalkubase waa, ehelunaarkiiye Ubbo-weesta waa kugu arkaa, agab salaaddeede Asaxaabihii-olol ku dhace, wow abtiriyaaye Hadduu uurka kaa jiro wardigu, kaama orodneene Abtiyaaladaa iyo ku nacee, ururki reer Kheyre Arbrow Jaamac iyo Aaden iyo, Oogle ka tage’e Waxaan uubateeyaha tolkay, oodda soo jabiye Axmaqyahow kuwaad ku amranayd, idinka maaheyne Waa uur gaslow Aaden-Dhagax, odoyadaadiiye Abtirsiinyadaa waxay gashaa, eyda reer Xamare.

Mar kale Cali-Dhuux isagoo isku diraaya Sayidka iyo Cali-Geri oo ahaa nimanki dariiqada iyo jahaadka diirka u ahaa, wuxuu yiri: Arxan nimaan u gelihaynin oo, ina Ogaadeena Aabowda uun bay hayaan, kii arsaa’ilaye

Sayidku wuxuu ahaa afmaal aan hadal laga badin, gabyaa maansada aan lagaga daba dhufan, isagoo hadaladaas Cali-Dhuux ka jawaabayana wuxuu yiri:

Aw Yuusufoow erey yar baan, ku erganaayaaye Hadduu Eebbahay kuu idmaad, ururta weyn gaadho Ikhwaanoow adkee xaajadaan, kugu ammaanaystey Ku ansaxi halkii aan ku iri, aadna ugu fiirso Gurraasiyo Iljeex iyo u sheeg, nimanka Iiddoora Ogaadeen haddaan ahay dad wow, amar korreeyaaye Oo ubaxa baarkaan ihiyo, awrta Haashima e Abtirsiinydey waxay gashaa, odoyo waaweyne Halkaan uga arooraana waa, odaga Daaroode Rasuulkii udgoonaa waa, ina-adeerkay e Sayidkii Axmed ahaana way, awow ruma e Ibraahim-Rashiid aabbahay, odagi weeyaane Asaxaabihii oo dhan baan, ehel waddagnaaye Hadba anigu qoyskaan ahaa, loo irkanayaaye Nin Amxaara mooyee intii, edge adduun joogta Islaameedku wuxuu ii yaqaan, ehelu-kheyrkiiye Aakhiro albaabbada jannaan, agabsanayaaye Adiguna abbaanow midgaan, uraya saw miihid? Saw kii Ilaahay necee, eyga qalay miihid?

Dulucda

Cali Aaden oo ku magic dheeraa Cali-Dhuux, kana mid ahaa raggii inta