NINKII DIDAY AYAANTII
Gabaygan soo socda ninkii loo mariyey ama loola jeeday ina ayihiisii iyo sababtii loo mariyey wax inoo caddeeya lama arag, wax aannaan hubin inaan sheegnana madmadow baa naga galay, wuxuuna Sayidku yiri:
Ninkii diday ayaantii, sidii deeradiyo cawsha Oo dabataduu kacay intuu, dabinka qoolaabtay Dunidoo barwaaqa ah ninkii, duufka qalanaayay Alla doori waa xaasidkii, dacayda dheeraaye
Doqonniimadii buu la tegey, Doh iyo Ceelgaabe Sidii dowre muuda ah wuxuu, dibedda meeraaba Dadoo idil hadduu soo maree, derajo soo waayey Usagoo daddow qaba hadduu, dib isu soo laabay
Goortuu duleedkayga yimid, daallinkii cararay Dayaydii horeetaan lahaa, inaan ku duulaaye Wax i daahay mooyiye ninkii, layga dacalbaabye
Maddaa buu daleel iga helee, deyrka soo maraye Dulmigii horeetuu wax kale, iiga sii daraye Dumbukhii ina qaataan haddaan, dilo ayaantiiye
Hadduu maanta daab ila dhacoo, daqarro ii yeelo Anigaa dirirowgii isbaday, dereg la’aaneede Dibey yaan la ii nixin anaa, dagay naftaydiiye.
Dulucda
Gabaygan canaan iyo hanjabaad ah oo Sayidku mariyey.