NINKA YIRI WAX BAAN GANI
Nimankii taariikhda Daraawiisheed wariyey waxay sheegeen in uu yiri waa riyooday nin la oron jiray Ducaale Qarris isagoo Cayn jooga, wuxuu ku riyooday isagoo hooto ku riday niman Daraawiisha, hase yeeshee, mar uu gudub u soo booday arkay isagoo jiifa gegi cidla ah, markaasuu mariyey gabaygan oo aannu ka helnay intan yar: “Hootadaan Goldheer iyo ka riday, Xanamo guudkood. Waxay sii gigleysaba hadday, godobyo Ayl gaadhay. Wadaadkii sidee uga gabbaday, waa golmaraankiiye.” Hadalkaas haddii Daraawiish loo geeycy, aflagaaddo xun iyo edebdarro ayay u qaateen. Sayidkuna wuxuu af-lagaadadaas uga jawaabay:
Ninka yiri waxbaan gani anoo, Gol iyo Cayn jooga Ee yiri baddii Garacad Waa magaalo ku taal xeebta Hobyo iyo Ayl u dhaxaysa. baan, gudub u weydaarin Godka lagu cadaabyow muxuu, go’uhu been sheegay
Ninka gaala aynabay intuu, gamasyada u qaatay Gubniyaalka fooskaa ninkii, gowrac ugu jiidey Sidii booldha geesa la’ ninkii, gaaddaduu mariyey
Ingiriiska goolka ah ninkii, guduriguu loogey Guntooyinkuu wacay ninkaan, gaban ka sii deynin Girligaamaduu siday ninkii, goobta kaga qaatay
Garmaamiyo rogaalkii ninkii, gelinna deyn waayey Ninkastoo isgaafaba ninkii, gooyey muruqiisa
Geesaaska Cadmeed ninkii, kaga gallayrsheeyey Giddigeed nasaarada ninkii, goomanka u qooyey Sidii cayr gofaalaa ninkii, gobolba meel aadshey
Geyigaba ninkii galangashee, guuya kaga dhaartay Gebageba intuu dhigay ninkii, libin ku geeraaray Gadoobkii dagaalkii ninkii, guusha kala laabtay
Gaafaha ninkii laga maree, haatan laga gaaray Gerbiduu ku tiirsaday ninkaan, laga gurguureynin Ninkii yiri gol maran waa miduu, galay wedkiisiiye
Gef iyo laaxin googgaale waa, gun iyo xeelkeede Abidkood geddaasey falaan, giiramaalladuye Nin waliba waa garan halkaan, gari ahaaneyne
Shir la gooday waayeel gab yiri, garangar maageeran Mar haddaanan hadal laygu gubay, gole ka qaadeynin Gobo’ kalena waa eray yaraan, geedka kala yeeray
Hadalkaas guddaa loo diriyo, gacal islaameede Nin garaadle oo idili waa, guurti loo maraye Rabbaan idinku gowrshaye bal daya, garaca weedhiisa
Ninka soo gigilay hootaduu, kor u garaar raacshay Gammuunaynta aan jirin ninkaa, samada gaarsiiyey Ragga Ilig Ilig-Deldela: Waa gacan badda gala oo Ayl 60 mayl dhinaca koonfur-galbeed ka xiga, Daraawiish baa qalcad ka dhisatay 1904-1905. ka gaardiyi intuu, guudka kaga keeni
Geeliisa maantaan dhacay, gabanta yuuseysay Maantii garmaamaha senguhu, daba gableynaayay Gambigeeda maantaas muxuu, geydha uga rooray
Giiryaale waatuu ka tegay, Goda hashiisiiye Hadduu geesi yahay maalintaa, gebi ma jeexeene Galacyada markaan rogay, muxuu goojada u taagey
Siddii goosan weer helay markaan, kala raacay Maantuu hugii kaga galbaday, gegida Buuhoodle Wuxuu ahaan jiray ceel biyo badan, waana dawrey, haddana waa magaalo raacsan gobolka Sool. Muxuu marada geyngeynka badan, xaarka ugu gaacshay
Gubtayey muxuu ii lahaa, gulubi hay loogin Garka iyo muxuu ii qabsaday, gaararka iyo towga Gacna weerashadiisii muxuu, ii gallimanaayey
Afartaa ninkii ila gabyaday, garabka maw saaray Ma ku gubay dab goomaari waa, galabsigiisiiye Gardarreysi buu igu fulee, gocasho maw reebay
Galaamaha hortiisa dhacaa, galaha duufaane Haddaan gacan ku sii deyn lhaa, waa gidmaan wuxuye Bal muxuu la guuroonahayaa, gabaxu waa saase!
Dulucda
Jawaabtii Sayidka ee ka dhalatay riyadii iyo aflagaaddadii Ducaale Qarris.