Gabay Sare

NINKA GAALKA LA SIIYAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Guyaashii kacaankii Daraawiishtu gumaysiga la dagaalmayey, nin kasta oo gaalada necbaa ama la col ahaa meel kasta ha joogee, wuxuu u kacay xaruntii Daraawiisheed. Abbaaraha 1905tii, waxaa yimi nin la oron jiray, Xaaji Cali Faahiye Geeddi, oo calankii Talyaaniga Qandala ku gubay. Ka dib markii Talyaanigu qabtay isagoo gacan-saar la leh boqorka, Sayidka ayaa xeelad u adeegsaday inuu soo furto. Sayidku markuu Xaaji Cali gacanta midig qabtay wuxuu yiri:

Ninka gaala la siiyey Talyan loo garbo duubay Markab guudka la saaray, gacal sow ma lahayn? Waxa gaalada siiyey, garacdii Bah-dir weeyoo

Gadhkiisoo la jaraana, ma gooyaan dhammidood! Warka gaaray islaanoo, geyigoo dhan dhammeeyey Giddi reer tolku ceebta, guudka sow kama saarna!

Qoladii Alla gaabshoo, gaasiroo fara weydaa Gabbaraa ogaadee, reer Calow lagu guursaye Ma gabdheydin tihiiney? Dhirtu waa laba geed

Waa galoolo isdhaafayoo, mid haddii la gunguumo Kan kalaa godol noolba, godin loo rabiyaayee Waxa loo gabbinaayo, Alla sow ma garataaneey!

Hadday guulo baxayso, geesigii la ogaa Ninkii u gabri doona, hadba waa gujiyaayoo Gundhiyaa hinqiyaayoo, geesi looma bareeree

Waxa loo garbinaayo, Allow sow ma gartaaney! Mowdku waa gar Ilaahoo, geeri Eebbe ma diidnee Waxaanan ka gam’aynin, Cali Faahiye Geeddi waa sidey u galeeneey!

Dulucda

Gabay ku saabsan badbaadintii Xaaji Cali Faahiye Geeddi oo Talyaanigu xiray.