Gabay Sare

NIN AQDAAMO FERENJI AH

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Xaashidii musuqmaasuqa ahayd oo layiri waxaa soo diray Shiikh Maxamad Saalax oo Daraawiish lagu cambaareynayey mar la keenay xaruntii oo taal Ilig dadkii oo dhanna loo akhriyey, su’aal Sayidka laga weydiiyey oo la yiri maxaynu ka niraahnaa? Wuxuu yiri:

Nin aqdaamo ferenjiya maantiyo abuurriin Ama aaladduu sida ama awrtabuu rara Ama ariga buu qala ama laba ugaarsada

Ama uba ilaalaa ama uurka kala jira Ashahaado beeniyo islaannimo ha lagu dhaqo Ilaahayna nama oron anna ma oggolaan karo!

Dulucda

Jawaabtii Sayidka ee ku aaddanayd xaashidii lagu cambaareeyey Daraawiishta.