NIMANYAHOW XALAA LAY GILGILAY
Guyaashii Daraawiishi Ayl iyo Ilig dcgganayd, ayey arkeen in gabayo badan oo gaf iyo gardarro ah laga soo tirinayo Galbeed. Bal aan ka soo qaadno gabay uu Ducaale Qarris riyo dabadeed mariyey oo halkudheggiisuna ahaa: “Hootadaan Goldheer iyo ka xaday, Xanama guudkeeda. Waxay sii gigleysaba hadday, godobyo Ayl gaadhay. Wadaadkii sidee uga gabbaday, waa golmaraankiiye…” Sayidku wuxuu ka tiriyey saddex gabay oo midkood ahaa intaan Daraawiishi degmadaas ku duulin, labada kalena ahaayeen mar uu dagaal dhex maray oo Daraawiishi ku libeysatay. Gabaygan hadda soo socda waa kii ugu horreeyey, wuxuuna Sayidku yiri:
Nimanyahow xalaa lay gil-gilay, gelin dhexaadkiiye Gacalkiyo raggeygii go’aan, soo garwaaqsadaye Gogoshaan ku jiifaan ka kacay, gocashadoodiiye
Sidii habar gablama Suudiyow, giidu waa aniye Geeridii ikhwaankii baa i gubay, gocashadoodiiye Rabbi waxaan galliimanahayaa, inaan goboobaaye
Haddii aanan geylamin cadhaa, lala guhaadaaye Gucumaale aar sidiisii haddaan, layga kala guulmin Alleylahe gobey baanahaye, gacanta hay saarin
Afartaa gudbaye sida madfaca, gow makaga siiyey Sidii roob gudgude oo onkodi, ma u gufaacooday Aan gabdhamo sidii mayayga waa, gabaxtamayaaye
Siraad galalacnayn iyo shamsada, aan idin guud keeno Hal igu gaarin goor iyo ayaan, gama’na ii diidey Oo aniga gooni iila shiray, aan idin gaarsiiyo
Nabsigu waa gaddoon badan yahoo, galabba waa cayne Waa hooska labadiisa gelin, guuldarro iyo kheyre Cadiid maalin iyo laylku, weys garab maraayaane
Gudcurkiyo caddada kuma dhex jiro, saacad gooniyahe Guyaashii iyo deyraha xilligu, waa isdaba guure Waxay Gaaddaweyney ahayd, gamashi deyreede
Odayaal gaboobaa marbay, gaban ahaayeene Guxushaaga aan kicin marbuu, gannaanaan jiraye Niman guudyo abid yeelan baa, geel foofsada e
Nin Ilaah gobeeyaan ka baqin, gaajo iyo ceebe Reer Hagar gardarrana maxaa, godobta raacsiiyey Giddigood maxaa hadal gashi leh, goonni kaga yeelay!
Waxay guulo saadinahayeen, guuldarro iyo ceebe Guryahooda uun bay damceen, inay gumeeyaane Eebbow gef badanaa bal, muu gaardiga u kaadsho?
Ararsamaha noo gooja deyey, waw garaad li’iye Intey gees u dhici dunidatanu, waa gal-galataaye Gadaal muu hubsado taladannadu, waa wax gudo weyne
Galbeed waxaan ku nacay faanka, iyo guuxa beenta ahe Waa guun ciyeysiyo, shimbiro gararaftoodiiye Wax guddoonku noqon lama ogee, garacu muu joogo!
Gaaggaabsigeygaa khatalay, gaaladii bogoxe Gaaleyska waxaa loo afeyn, inaan ku goynaaye Daraawiishi goob inay la sugi, garanba maayaane!
Anigana galiilyada korkaa, gibil i fuulaaye Mar uun baan garmaamaha ku tixi, godonka Cadmeede Waadigaa leh galaayaan sitaa, geesi baan ahaye
Car na galadu waa gooddi iyo, hadal galoofeede Godba Ayl Waa dhowr iyo toban godob oo kala rogrogan oo daaqa xoolaha u fiican. Ayl bay koonfur-galbeed ka xigaan. haddii aanan fadhiyin, iima gabaydeene Guryaheenna oo kala fog baad, nagu galaysaane
Geeddigakan xeesha leh haddaan, bari u sii guuray Golol Waa doh ballaaran oo Hobyo galbeed kaga toosan. baan ka riday faan haddaad, gole ka tookheyso Oo nagu galeysaan illeyn, gorayo cawloobe
Gashigayga maqan kama samroo, goor dhow baan imane! Sidii awr gabraareed billaan, galow ka soo siiyey! Billaabaan Goldheer Sanaag Caynaba dhinaca koonfur ka xiga. iyo ku firay, galaxyadii Yeyli Waa lug Goldheer iyo Shululux u dhaxaysa.
Nin waliba wuxuu galabsadaa, loo gorgoriyaaye Gasabkaagu waa naar Ilaah, kugu gufeeyaaye Billaabaan Ilaah gaabiyow, kugu galaal xooray!
Billaabaan ku gowracay ibleys, gaarran baad tahaye Billaabaan warmaha kugu ganganay, gaal cad baad tahaye Billaa tiri gablamayey, maxaa nimanka ii geeyay?
Dulucda
Guyaashii Daraawiishi Ayl iyo Ilig dcgganayd, ayey arkeen in gabayo badan oo gaf iyo gardarro ah laga soo tirinayo Galbeed.