NIMANYAHOW DEMBOW LAMA HADLO
Sayidka siyaasaddiisu waxay ku dhisnayd, ninkuu doonaayo inuu soo dhaweeyo ama soo xero geliyo ama xiriir la yeesho, iyo dadkuu jeclaado inay Daraawiish ku soo biiraan ama reerkii qabno iyo qooro mid kastaaba ha ahaatee qarannimo iyo waxtar lagu ogaado, in uu gabdho wacan u dhiso xoolo iyo xarragana ugu daro, ama isaga iyo madaxda Daraawiisheed ka guursadaan. Ujeeddadu waxay ahayd si labadaa dhinac xiriiku u fiicnaado, kadibna laysu afgarto oo wax loo wada qabsado, maxaa yeelay waayadaas iyo ka horba Soomaalida guurku qaayo iyo qiimo weyn buu la lahaa. Sidaas daraadeed ayaa Sayidku saddex gabdhood oo walaalihiisa ah u kala dhisay saddex nin. Kan u horreeya waxaa la oron jiray Ciise Dhoollawaa, wuxuu ka dhashay guriga reer boqor (Maxamuud Yuusuf), waxaana loo dhisay Rooxo Shiikh Cabdille, ninka labaad wuxuu ahaa Shiikh Ismaaciil oo ahaa nin buuni ah oo cilmi badan, waxaana loo dhisay Jamaad Sh. Cabdille. Kan saddexaadna waxaa la oron jiray Nuurxaashi Cali lbraahin, oo ka dhashay guriga Reer Garaad, wuxuu u dhisay Cambaro Shiikh Cabdille. Haddaba, horaa waxaa loo yiri: “Fiqi bahdii kama janno tago e, Sayidku markuu nimankaa ka waayay siduu ka doonayay, ayuu gabaygan calaacalka ah mariyay, oo wuxuu yiri:
Nimanyahow dembow lama hadlee, daa’imaan ahaye Doqonniimo kaliyaan u mari, dabin ciriiryoone Haddii aan digatoonahay, sidaa uma dufoobeene
Dubaaqii waxaa igala tegay, daqarradii show e Nin i dagaya doog iyo abaar, deris ma moodeene Darajooyin kama buuxiyeen, daallin ii cola e
Dugaye Rooxa Rooxo Sheekh Cabdille. deeq uma baxsheen, dahab la mooddiiye Deynqaad Jamaad Jamaad Sheekh Cabdille. uma dhiseen, dakhalkii dheerayde Daan yacay ma siiyeen Cambaro Cambaro Sheekh Cabdille. , daadduf reer Bariye
Daaldaaladkii guri markay, dan u dhaqaaqayso Xubna daaci goortay sidii, dani u laafyooto Cagta debec leh daandaansintiyo, dininix yeeraysa
Dad kale daleel kagama tago, durriyaddiisiiye Daayacaadda anigaa ku falay, dawladdii Nebiye Dulbaaxdii nin raga loo ogaa, daaddufyaa helaye
Bal haddaanan duunyo ugu xilan, dabadyadaan siiyay Oo ayan dirir ii galayn, diinna garanaynin Goortii la dahay maa dhurwaa, dalandalkii qaato!
Dulucda
Sayidka siyaasaddiisu waxay ku dhisnayd, ninkuu doonaayo inuu soo dhaweeyo ama soo xero geliyo...