NAAGABA DUMAASHAAN KA NACAY
Gabaygan ujeeddadii laga lahaa iyo sababtii loo mariyay midna lama hayo. Axmad Xaaji Boqor oo ka soo qoray Darwiishkii caanka ahaa la oron jiray Xaaji Maxamad Cawl Ileeye, Eebbe ha u naxariistee, gabayga ujeeddadiisii kama soo guurin. Sidaas daraadeed war kutiri-kuteen ah waxaannu ku maqalnay in afo u dhaxday Sayidka walaalkii Muuse Shiikh Cabdulle, ay martisoor u keentay Sayidka iyo rag la fadhiyay, hase ahaatee soortii waa la ceshay markii loo bogi waayey, dabadeed afadii baa ka xumaatay, hadalna waa laga maqlay, kolkaasuu Sayidku mariyay gabay. Sidaan kor ku sheegnay ujeedada gabayga waa arrin baaris u furan. Wuxuuna Sayidku yiri:
Dumbul reer la joogtiyo waxaan daallin soo ururshay Waxaan duunyo iyo xoolo iyo duni ka dhiibaayay Waxaan deeblc geel iyo dabiyo daabbad bixinaayay Aqal daahya weyn iyo waxaan min u daroofaayay Dacaamka iyo dhuuniga waxaan daara uga buuxshay Caanaha dabaasha ah waxaan deeqa uga yeelay Dareyhimi xiriir iyo waxaan dacal madow siiyay Waxaan boqor daliigya leh jilbaha dacalladow saaray Jilbad dalalamlayn iyo waxaan dahab ka laalaadshay Naagaha dumaashaan ka nacay dabin Alluu qoolye Waa waxaan dadkeenniyo ahayn dowladdii Nebiye Waa cadow dagaalamahayiyo duul shisheeye ahe Waa doxorayaal aan xishood dooc ka garanayne Waa waxaa kobtii diiqa iyo dowyadaas marine Waa waxaa dallaaddahaa bannaan lagu dukhuulaaye Waa wada dabrima diisan iyo dalab-sikiireeye Waa wada dahaar siiban iyo daba dhurwaalay e Waa wada dumbulo foolxun iyo madax danduulley e Waa wada dameer gaaban iyo daaman baqalley e Wada wada calool daas iyo dacay gafuur weyne Mindi daab xun iyo toorray hay dabada haystaane Wixii ay dareemaanba waa dooxanahayaane Dareemmada cagaarka leh ka badan dayrdhalkay qalane Lag dulbaax leh iyo Awlal bay damug ka siiyaane Inkastay durduurlaan nacliga kama dafaayaane Diihaal hunguri waa wuxuu doy ka dhaadhicine Waa wada dunuunici sidii nirig diraaceedee Wuxuun bay duqlaalinahayaan doog iyo abaare Reeraha la soo degahayana deris ma moodaane Daraawiishta oo idil ka neceb doofillaha gaala e Inaan diintu sii waarin bay dacwadeysteene Nin dillaal ku koray waa wixii dacasha dheeraaye Deynqaadyadii baa i helay daaddufka ahaaye Doqoniimadii buu la ciyay duhur dharaareede.
Dulucda
Gabaygan ujeeddadii laga lahaa iyo sababtii loo mariyay midna lama hayo, balse waxaa jira warar kutiri-kuteen ah...