MIINAANLE
Geela la baxay Miinanle oo geel Daraawiish laga dhaco ugu badnaa gumarna u ahaa, tiradiisana lagu qiyaasay 25,000 illaa 30,000, ayaa waxaa loo xerriyay dhulka la yiraahdo Iyax oo deexda Ayl iyo Bayla u dhaxaysa ah, wax dakana ah oo markaas looga baqaayana jirin. Hase yeeshee hud-hud iyo diradiraale dad lagama waaya Hobyaa gabay laga tirshay oo waxaa waxa loo geeyay boqor Cismaan iyo reer Bari, waxaana la iiri gabaygaa Sayid Maxamad baa idiin mariyey. Gabaygaas halkudheggiisu wuxuu ahaa: (F) Dayrtiyo diraacduu dhaloo, Deex u soo degaye Dakanooyin badan buu qabaa, daafta kuu yimiye Bal car didi kalluun lama dabtee, waa la diriraaye! Usagoo awelba reer Barigu geelaas booca ugu tukubaayey haddii marmarsiinyo loo helay ayaa guuto camaaryalay ah lagu soo bixiyey, garwade waxaa colka u aha niman Daraawiish ka fallaagoobey. Geela xagga Daraawiisheed waxaa looga yiqiin Miinanle, nimankii dhacayna waxay ula baxeen Soo-dadab. Gabayo, heeso iyo maahmaahyo badan buu leeyahay, aan ka soo qaadno gabay dhaar iyo hanjabaad ah oo dhinaca Daraawiishta laga mariyey. In kastoo aan hubinna waxaa la yiri Sayid Maxamed baa mariyey.
Geel Miinanlaan ugu jeclaa guuyad oo idile Usba gacaliyii buu ahaa galax qaboobiiye Gungunaafyadii baa la tegey guunki reer bariye Gurigii la geeyaba haddaanan gaas dhan ku afuufin Geelii la eedyeey haddaan lagu guraabaasin.
Daraawiishtu dhowr col oo kala daran bay ka daba geysay, waxaana ka mid ahaa labada col oo la kala baxay Casar-dega iyo Isu-mara. Taariikh dheer ayuu geelaani reebay. Iyagoo gabaygoodii sii watana waxay yiraahdeen Daraawiishi:
Geelii carrada buuxayee, calaggu saanyoodey Caqli nimaan lahayn baa yiri, waa cantoobsadaye Cidlaa laga kaxaystaye ma waa, cudud la ii sheegtay
Majeertccn caddaan uguma dhaco, culus hashaydiiye Waxay caadadood tahay inay, cidaha gaadaane Nabad caabuquu igu dagaye, col uma keeneene
Gaalada careef kale markii, carabta loo fuulay Markii ciidankii uga birmaday, badaha coonkooda Daraawiish caysani markay, ciira ugu duushay
Cabsi kama baqaynine markii, cunugga loo reebay Goortii carruuraha la yiri, celiya oo foofsha Goortii cirkii curanayey, Cal u hayaansheene
Ciilow ba’ay! talo xumaan, cudur ka weyneyne Markaan soo ceshooy iri, rag bay caasiyoo raraye Cabdul Cabdul Suldaan Cilmi Xaasey, waxa dilay ciidamadii Ingiriiska, waxaana lagu dilay Ceeldheero 1919kii iyo waxaa igala tegey, caabuqii wadaye
Haddeeyan cadceed subax u rarin, cidi ma qaaddeene Ceemaad Waa dooxo soolka Iyaaxeed ah Qardhana koonfur ka xigta agteediyo hadday, cirifka noo joogto Curcuraha Nugaaleed Nugaal: Waa waadi dherer iyo ballaarba leh oo cayn iyo saraar ka soo rogmada, xeebta Eylna badda Hindiya kaga dara hadday, caday ka foofeyso
Cashaday galeen baan dagaal, iga cillaalmeene Kun caynaba kun coofaar huullaa, kuman cudbaawiira Kun caddaana kuman caarle iyo, kuman baroor ciida
Kuman calasa kuman bood carfileh, kuman cillan miida Kumanyaal cirbiid iyo ashkira, kuman casaawiira Kuman Xamarcas iyo may lahoo, wada cawiifaaya
Kun calowa kumanyaal calcala, kuman dhalaal cawra Kun carwaajis iyo boor lahoo, midab casuuraaya Kun carowle kumanyaal curboon, kuman ciriifaada
Kun cawlcawla kuman cawmisila, kuman caruusaada Kuman cawlan caacaanniii kuma, kuman caddays maaga Kuman caana kuman cayn silloon, kuman cajiibaada
Kun caqiiqa kun caarsan oo, dhogor cureejiina Kuman calanle kuman shaal cas iyo, kuman cutuubaada Kuman cawra kuman caadaqaad, caadka laga saaray
Kun cooshcoosha kuman laysku carin, kuman cawaarguunle Kun cahsmiira kumayaal cashara, kuman camaajiir leh Kun cunaaba kuman cayn silsila, kuman cusayb fookha
Kun cowtara kun caysuub galgala, kuman casuf noora Kuman cirif sufura siif cambara, kuman cadduur saara Kun casiira kumanyaal casala, kuman casuusaaya
Kun cayuufa kuman caycadoo, ciiif sadaadooda Kun cambaabul kuman ceegma iyo. kuman cayaayiira Kuman cooma kuman coobirraa, cobolos tiigaala
Kun caysuuba kuman caara boga, kuman cayuuf dheera Kun cawlaalin kuman ceegma iyo, kuman dul ceegaaga Calmad gacalo kumanyaal cubtami, kuman cushaaq raaca
Kun cigaalan caynaan yaqaan, kuman cadood meera Kumanyaal cishiyo fiid durduro, haadda la cayaara Kumanyaal carbeedintoo ka dhiga, ceelashiyo gaarka
Kuman calafsan kuman cawadii, cayshka miranaaya Kun carshaanle kumanyaal calqadan, kuman cilluu naaxa Kumanyaal caddiin iyo baruur, cooddi balaxoobey
Kuman cududan kumanyaal cadfoon, kuman cillaan duuba Kuman cawska loo duubahayoo, cimilka loo waabay Kumanyaal cadarka iyo doog, cobolka daaqaaya
Kun calaacal lagu xoodsho iyo, caaraddiyo suulka Kumanyaal cimiil iyo cimiil, la carbiyeynaayo Kumanyaal cilaaq iyo farsamo, lagala caal waayey
Cabbannaan kun cadanyoonhayiyo, kuman culays diida Kuman carari kuman caymanoo, cida ka buubaali Kuman caabbigii wada jaroo, dabada ceeraanshey
Kun cartanaya kumanyaal cartoo, cara wiriiraaya Carmaari kumanyaal caqlila’, kuman cisaarbooda Carwiriiri kumanyaal cartami, kuman cayaar waalan
Kuman sii ciddiya laabatoo, cadowga hoomayda Kumanyaal caddada weerartoo, cimil u dooyeeya Kumanyaal ciriiriga rogaal, caaradka u jooga
Kun cagaagi kumanyaal carriga. diro kicinaaya Kun coomaadi kumanyaal carshiga, cirir u rooraaya Kun cubbaalan kuman caadda kore, cagaha duubaaya
Kun cigaalan kuman caynsanoo, ciiro iyo qiiqle Kun cidaaran caadooti kuma, kuman cafaariida Kumanyaal wixii carar isyiri, lagu ceshiimeeyo
Intaasoo kun wada ceynabaan, soo cirmi lahaaye Ceeryaamo anigoo watoo, ciiro iyo qiiqle Casar baan u soo dhigan lahaa, caga daruurreeye
Carey iyo wirey maalintii, lagu carbaabyo Sidii aar cargaagtamay markaan, camal guhaadoodo Cabaadka iga soo baxahayaan, cidi u joogteene!
Waxaan ciiska weyn dari lahaa, caadaqaataha e Cawgiirta waa noqon lahaa, cooflihii bariye Coomadahaan siin lahaa, cooddi iyo jiire
Cirinciir fog baan jirey markay, iga caweefteene Calafsade dharaartii hadday, cid iga waayeene Casiisow Allahayow bal maan, cagidi taagnaado!
Dulucda
Geela la baxay Miinanle oo geel Daraawiish laga dhaco ugu badnaa gumarna u ahaa...