Geeraar Sare

MIDABKIISU HALYEY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Midabkiisu halyeygoo, hiribboo kala noocoo Hiriiryii ku dhigeenoo, halow yeeshay miyaa! Haldhaa meel fog ka muuqdaa, halqooqii bixinaayoo

Haysha baal lalminaayoo, hallibaaya miyaa! Hannaankiisa wanaaggiyo, haybaddiisa buruudka Naftu waw hibataaye, hibo Eebbe miyaa!

Afku waa holholkaasoo, gowso huuro ku taal buu Xakamaa ku hudbaaye, madag hiil leh miyaa! Bacaraarka hulkiisa, hadduu hiif kaga siiyo

Wiyil soo handanaayoo, hanqaraaya miyaa! Sidii aar hala laayayoo, dagaal loo harareentay Indhuhuu holcinaayoo, holoc naara miyaa!

Hagaagga kalxadiisa, hogsalaanta kobteeda Gabbashaa lagu heeray, bil hangoolsan miyaa! Kolkii uu hoganaayo, hadduu haayir dareemo

Dheguhuu hulkinaayoo. ma hootooyin aflaa! Guudka haydhafanaayoo, hareeraha marinaayo Sida geydhaha hawdoo, hugfanaaya miyaa!

Qanaantuu hurgufaayo, halqooqeeda lulaayo Hayrarooti galbeedoo, hoorimaadi miyaa! Fanku buur hiyil weynoo, hamaashowday caleenoo

Xaygu uu holliitaayo, hiraraysay miyaa! Haddii uu hardafaayo, ma hanqaaro naftaada Hintiqluu u socdaaye, hebed xaal san miyaa!

Haddaan jeedal la hiilay, ku hawaarsho sintiisa Hatatoobsiga boodda, ma aar soo hig yiraa! Haddaan hoyga u buuxsho, hanbo iigama reebe

Hilif buu ka dhigaaye, Halacdheere miyaa! Afartuu ku hadaafo, dhulka waa hurgumaanoo Habaas bay ku kacshaane, beel hayaantay miyaa!

Isagaan hul lahayn buu, hulqihii lalmiyaayoo Ninna haab kama yeeshee, caqli haatuf miyaa!

Dulucda

Gabay geeraar ah oo Sayidku ku ammaanayo midabka iyo haybadda faraska.