MAQASHIIYA UUNKA
Xeeladaha Daraawiisheed waxaa ka mid ahaa meel kasta oo ay degganaayeen, in dadka Soomaalida loo diro culimo iyo dad wax u sheega, oo uga diga gaalo iyo u-adeeggeed, si aan loo dagin ama aan laysugu dirin, diintana looga saarin, dalkana looga qaadin. Sidaa daraadeed ayuu Sayidku wuxuu diray laba nin oo la kala oron jiray Cabdullaahi Shixirri iyo Xirsi Afdiir, labaduba waxay aqoon dheer u lahaayeen afafka qalaad ee Yurub, ummadaha shisheeyaha dhexmarkooda iyo diinta Islaanka. Ujeeddadii uu Sayidku u diray ninkan gabayga ayaannu ka garan karnaa:
Cabdalle maan qaboobiyo, Xirsi maakib Xirsi Afdiir laawow Mid yar waxaad tiraahdaan, murtadiinta reer Hagar Habar Yoonis madasheeda, mariya weedha aan iri
Toljeclaha muraadkaygiyo, masafadayda ula taga Maqashiiya uunkaba, miyir inuu ku soo galo Mid mid waxow tiraahdaan, miminka mooradii furay
Mawaacidada diinkii, ma wax laysku maagaa? Jahaadka moosinkii galay, ma wax laga maqnaadaa? Mushaaharada beenihi, ma wax lagu mannaagaa?
Loxodkii madoobaa, ma lays moogadeeyaa? Muufada cadaabeed, maw adkaysanaysaan? Gaal nin u midiidimay, maqaan naara inuu tegi
Kutubtaa u marage, ma wax lagu murmaa? Mushrik inaad jeclaataan, amaad mudan ku sheegtaan? Haddeydaan mujrim ahayn, masalo maad u haysaan?
Masalo gaabyadiinnaa, meel daran idin dhigay Muftiga waanadiisii, idinkaa ka maagtoo Macbuudkii Rabbi ahaa, idinkaaba moogoo
Maxsharkiyo qiyaamaha, idinkaaba munkirayoo Muqfiradii Ilaahay, idinkaaba ka maarmoo Macaankii firdowsana, idinkaa muraystoo
Muuminnimada laabta, idinkaa mantagayoo Minadiinna gaalowday, idinkaa muquunshoo Kufriga i mahoobbiyey, idinkow micinoo
Makaankii shareecada, idinkaa matamiyoo Muslinkiyo qusuusida, idinkaa makalayoo Maalkii agoomeed, idinkaa malhabayoo
Masxafkiyo Quraankii, idinkaa maljadayoo Waxse mowtigiin galay, ama meleg idiin yimi Markaad Maxamedkiinnii, macluun uri ka raacdeen!
Mariyoo macneeyaye, mid kaleeto wuxuu yahay Waxaan makallay fereenjigu inuu, miiri idin qoray! Waxaan maqallay maalkii inuu, idinka meersaday!
Waxaan maqallay ooryaha, mid tan inaad ka weydeen! Aan miis yar mooyee, Meydho geel la siineyn! Waxaan maqallay maahyahow, magiciin inuu ba’ay
Intaasoo kun masiibaa, wax igala maad badan Maska iyo abeesada, magta aad ka bixiseen Aanad midigta fidinayn, aar hadduu ku miciyayn!
Dulucda
Xeeladaha Daraawiisheed waxaa ka mid ahaa meel kasta oo ay degganaayeen, in dadka Soomaalida loo diro culimo iyo dad wax u sheega...