Gabay Sare

MALAW II SOO GODOL

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Waxaan gabayo hore iyo sheekooyinkoodiiba ku soo sheegnay in geelii la baxay Daboolane ee ay Daraawiishi, Habar Yoonis ka dhacday, gabayo badan oo faan, digasho iyo diiddaba ahna laga mariyey. Gabaygakan soo socda wuxuu ka mid yahay kuwii geelaas Daboolane, gabayga ka dambeeya ayeyna isku wakhti ahaayeen:

Xuseenow masalo waa halkii, maanku kaa dego e Masala gaab wuxuu kugu ridaa, marin ciriiryoone Medded Eebbahay waa hadduu, marax ku siiyaaye

Cirku wuxuu muggaabaa haddii, milaygi joogaaye Malaf wuxuu baxaa waa dhulkoo, daadku maaruqaye Anna sida maqaarray waxaan, mowda ku hayaaba

Sidii meydab jiilaal, waxaan maanka ololaaba Sidii aaa wax mowtiyi waxaan, micida ruugaaba Soomaali kale waxaan melgoo, madaxa gooyaaba

Iiddoor waxaan meeriyoo, malas u daadshaaba Minka waxaan dayaafad u dhigoo, malab ku siiyaaba Madadaalo beena iyo cayaar, waxaan ku maahshaaba

Maaweelo aan jirin waxaan, maandhe ku hayaaba Waxaan maansa booli iyo jiib, ugu madiixaaba Salaan aan milgo lahayn, waxaan midigta saaraaba

Wixii an magoogaayey, waa miiska aan falaye Makhrib dumay sidiisii, xeryaa ma u madoobeeyey Ma makalay wax badan, waanigii maarruhuu sidaye

Murti nimaan lahayn iyo gun, waa laga mildhaashaaye Wax midgaana Deylkii martiyey, ma hurihiisiiye Meertaysi nimankii u baxay, Eebbe naga meerye

Durba murugadaan qabiyo, riday milaadkiiye Meydkoodu waa tuu ahaa, maadho oo kale e Nejiskaan mudmuday shaleyto, waa maqaddinkoodiiye

Musanowga Caynaanshe waa, mahad Ilaahay e Mersadii Berbera haw la kaco, maatadaan dhacaye Malaw iigu soo godol anay, maahuggay tahaye!

Dulucda

Gabay ka hadlaya geelii Daboolane ee laga dhacay Habar Yoonis.