MAJEERTEEN
Waxaynu horay u soo sheegnay in 1903tii Sayidku waraaq ka helay boqor Cismaan Yuusuf. Warqaddu waxay oronaysay, “Daraawiisheey bari u soo guura si aynu garab iyo gaashaan iyo isku gacan u noqonno, gaalo iyo cawaankeedana meel uga soo wada jeesanno.” Daraawiishi sidaa ayey u guurtay. Masafada soo soctana waxay tilmaameysaa geeddigaas iyo dhibkii ka soo gaaray iyo waxay talo ku dambaysay, wuxuuna Sayidku yiri:
Majeerteen markaan maqlay, maanku waa jeclaystoo Milmil Milmil: Laag biyo leh oo u dhexeeya Dhagaxbuur iyo Awaare. reerka oo yaal, dib u soo majiirroo Muxubbo ugu soo raray, Murcanyo Murcanyo: Waa magaalo raacsan degmada Caluula oo u dhaxaysa Dhurbo iyo geesaley. iyo Baargaal Baargaal: Waa magaalo ku taal xeebta koonfur Raas Gardhafuy. Waxay ahaan jirtay Xaruntii Boqor Cismaan. Matakhshoo ku soo dhaxay, Miiro Miiro: Balli Hawd ku yaal. iyo Garloogube Garloogube: Waa ceel ka mid ah kuwa Doollo. Marqo ivo carruurtii, Marsin waaya loo daa Maalintaan ka soo raray, Masaarraan Masaarre: Balli ka mid ah ballida loo yaqaan Harasan. ku soo furay Marafkiyo cagaarkii, mareerkii ma xaalayn Malxaabadaan ka soo raray, mutahada Dannood Dannood: Waa balli caan ah oo ka mid ah toddobada balli ee Haraxagarrey. imid Makhribkii markuu dumay, minka awrta saarroo Mugdigii habeenkii, maatatuul u soconnoo Muruq daalis iyo rooris, barqadii la maanshoo Maxmilkiyoo aan laga dhigin, meerihiisii laga rogay Sengeyaal majiirraa, makaankaa ka kiciyoo Marraagga iyo caynkii, murti loo adkeeyoo Mashriq foolka saarroo, markab sidii u roorroo Hawdkii muquurroo, hadba maarar dhaafnoo Masaafada iyo nocodkiyo, mililicda u bareernoo Geeddiga maqiiqani, lagu maalin gaalyoo Malleelkii iyo leexadii, ayax lagu maleeyoo Madowgiyo guduudkii, maad loogu dhimayoo Malkadii Nugaaleed Nugaal: Waa waadi dherer iyo ballaarba leh oo Cayn iyo Saraar ka soo rogmada, xeebta Aylna badda Hindiya kaga dara. muddo badan u soo dhaxay Mahlakadii jidka ahayd, macbuud naga bariiyo Miciyo dugaaggii, mowtulfaja waa ka nabadoo Baadi waa iska maashoo, mooraduugse nama helin Waxmulbaday ma diiddanin, malafsi baanan sheegine Ma’man badanna waa qabay, mahad Eebbe weeyee Afartaa micneeyoo, mid kaleeto waayoo Maxamuud Saleebaan, mid yar baan u leeyahay Maahmaahadkoodii, nimankaan u maalliyay Maankaa jeclaystaye, muuno nagama raacin Madh Madha: Ceel biyo kharaar oo ku yaal dixda Dharrooreed bartamaheeda oo raacsan maamulka Boosaaso. waayadaan tegay, nimankaan u soo muray Magannimo Allaa lehe, nimankaan muskuu galay Aan meherba lagu dhalin, manidood ha gubatee War maxaan marweeyoo, masalle u xajiin tiray War maxaan mar iyo labo, manfacada u toos iri Maxaan gool marmaarriyay, mariskiisa daajoo Maxaan meyraq iyo kurus, darka uga milaaloo War maxaan murkaha weyn, xumbada uga malleeyoo Maxaan meydabtii geel, xeryo uga milaaloo Ari daad masaalkiya, xeryaha ugu miisoo Mood maxaan u dhiiboo, magaalo u sameeyoo Maxaan maxawi iyo timir, masafo ugu laaboo Maxaan shaah mureesiya, kirli uga muggeeyoo Maxaan meyrantii dumar, maxmil ugu hagoojoo Maxaan maqaasiinka u dhigay, gabar miigganoo culus Kullu mosorayaashii, waa wada maraaceen Inay maxalka jeexeen, Muumino Muumina: Waxay ahayd gabar ka mid ah gabdhaha aqalkii boqor Cismaan ka adeegi jiray. ha loo tago Afartaa micneeyaye, mid kaleeto waayoo Raggii magaca dheeraa, maarre waxay ku toogteen Waxay macallin qaariya, melaggiisa joogeen Away macallimiintii, mid-midka ay u dooxeen Bah dir baa magoolliya, mindhaa murankii beenoow!
Dulucda
Masafo ka sheekaynaysa geeddiga Daraawiishtu ku tagtay gobollada Bari ka dib casuumaddii Boqor Cismaan.