Gabay Sare

MAHADE HAW SHEEGO

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Horay waxaan u soo sheegnay in nin layiraahdo Colujoog Aadan Jugle uu Sayidka gabay u tiriyey. Col Daraawiish ah oo xulanshi ah ayaa duulay, waxayna geel tira badan ayey ka soo qaadeen Xaguuga iyo Xalxalis oo ah degmada Oodweyne, geelaasi waa geelii la baxay Daboolane waxaana lahaa niman madax ah oo Daraawiish ka soo hor jeeday. Raggii geela laga qaaday waa ay u naafteen, Daraawiishse waaba ku baraartay oo ku barwaaqowday. Dhowr gabay oo kala duwan baa Sayidku ka tirshay, kuwaasoo ahaa digasho, mahadnaq iyo tusaale ah awoodda Daraawiisheed, wuxuuna yiri:

Xuseenow masaladaydu waa, lagama maarmaane Adow maraga inaan gabay milkihii, laygu maakubine Waasaan ka maaliyay tan iyo, milaygii dayreede

Maqsinkaan ka xidhay, haatanaan kaaga soo mariye Waa kuu maagaayaa intaan, kaaga muudalaye Yuu kaa murgine fiirso waa, kuu maldahayaaye

Maandhoow manaamiyo waxaad, moogtahaa badane Murtadkii hadii Eebbehay, iga maddaaryeeyay Maandhoow i maqal caaway waan, kuu mnaqaxayaaye

Maxay kugu da’ayaan ahoo, miira soo kicine Miyigaba sidii madax gubaan, maaruqahayaaye Waa kuu maraamayn hayaa, muhasho haw qaadan

Mar haddaan maqaanaha u lulo, laga maqnaan waaye Sidii idan maqaar loo dhigaan, soo miliiliciye Waa kuu mashxaradayn hayaa, madarka soo joogso

Afartaa sidii macallimmada, miin ma ka higgaadshay Musareed intaan dhigay miyaan, dadab ku meegaaray Ma mantaqiyey maansha Allee, maahir baan ahaye

Malkadiisa lama seejiyee, marin ma qaadsiiyay Hadalkaan muraar lagu ogayn, maysu wada muujay Macno kalana waa oronahayaa, aan idin maaweesho

Masar baan u dhoofinahayaa, maansadaan tirine Markab baan ku sii qaadayaa, mawjadda ha jiiro e Ha maquuro maanyaduu kobtay, miririglaynaysay

Ha muurreeyo mow dhexe wax badan, hana miqiiqnaado Meeshiyo magaalada Cadmeed, meylku ha abbaaro Mayuunkii intuu laba ka dhaxo, moosinka ha beego

Marsadii hadduu gaaro waa, loo madlahayaaye Muslinkii salaantaan u faray, midigta haw saaro Ninkaan gaalka miiri u ahayn, muxubba haw geeyo!

Iiddoor waxaan meeriyoo, malak la raadshaaba Waxaan maylinkuu looliyoo, micida ruugaaba Inaan miigihii shalay u sheegay, mahade haw sheego!

Inaan guuto mawjiida oo, miiriya u geeyay Oo aan makalay duulku, waa iga mutaysteene Oo aan mareegaha u furay, mahade haw sheego!

Gabagabo ku miiskii haddey, Meydho ololeysa Sidii muusannow bay nirguhu, mawda ku hayeene Madiixa iyo ololkii ka baxay, mahade haw sheego!

Hadday soo miraadeen kuwii, maali jiray geela Majiiraha rogaalkii, inaan mariyay oo laayay Aan muquddimiintii la hadhay, mahade haw sheego!

Malaanmalida nimankii ahaa, waa maquunsadaye Magligii markaan ula baxay, marada xooreene Inay malashka laalaadiyeen, mahade haw sheego!

Anna maarrihii waan la helay, kun iyo maymaye Maydkoodu waa tuu ahaa, maadha oo kale e In waraabihii marax ka helay, mahade haw sheego!

Colujoog midgaan buu noqdoo, male ku beenowye Kolkaan moorradduuguu ilmada, maag u soo qubaye Inuu maatadiisii u dawari, mahade haw sheego!

Maal waa la kala qaadi jiray, tan iyo manow ahaantiiye Anigaba wax badan baa malyuun, layga meersadaye Kanse inaan masaalkiis la arag, mahade haw sheego!

Inaan maalmo kala toocayoo, qumusku miiraayey Oo maxashii loo yeelaayoo, maara laga waayey Ay milic kaliileed tubnayd, mahade haw sheego!

Ninkii macatab loo xiray, ma helo medad Ilaahay e Daraawiishi waa mira jannoo, loo muraad qumiye Ninba xero muggeed inuu la tagay, mahade haw sheego!

Maylow inuu baarqabkii, dhebi ku miinshaartay Oo sida maroodiga ilkaha, miriq ka siinaayey Oo doob madaafiic ridi, mahade haw sheego!

Goolkii marmaarriyey inaan, mudanuhuu loogay Oo aan mashiikhdiyo ardada, miidda ka hiraabshay Ay duca san noo maamuleen, mahade haw sheego!

Nin makhaayad joogaaba waa, maanka laga qaadye Awel hore inay maarsadaan, maara laga waaye Inay haatan murankii dhigeen, mahade haw sheego!

Magallooti bay ii fileen, madhanayaashiiye Ismalaakadeedkayga waa, lagu manhaadaaye Majaxaabo kulul inaan la helay, mahade haw sheego!

Miciin baas ma joogeen hadday, naga mastuurtaane Waxaa mowtigood galay markay, madaxa taageene Inay haatan soo maadiyeen, mahade haw sheego!

Waa mooyaqooqaar waxay, nagu maleeyeene Waxay moodayaan inaan nabsigu, Bogox u mooseyne Inay balo ku mooraysan tahay, mahade haw sheego!

Dulucda

Gabay digasho iyo mahadnaq ah oo ku saabsan geelii Daboolane ee laga dhacay Habar Yoonis.