Gabay Sare

MAANTII ASAAYUHU DHACAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Galabti Gurdumi ee rag ku tashaday in Sayid Maxamad dabin loo dhigo si loo dilo, ninkii u digay oo magaciisa la oron jirey Cabdi Garaad Yuusuf wiil uu dhalay ayaa jeer danbe xaruntii yimid iyadoo dagaalkii Gurdami laga joogo dhawr sano. Kolkaasuu Sayid Maxamad wuxuu ku tashaday inuu wiilka ka abaalmariyo wanaaggii aabbihii u galay si wanaagsanna u soo dhaweeyo. Markaasuu gabaygaan xarunta dhexdeedii ka tirshay si uu Daraawiishta u ogeysiiyo ama kula dardaarmo inanka loo samafalo. Wuxuuna Sayidku yiri:

Maantii isaayuhu dhacee, dunidu aafowday Maantuu Ogaadeen sidii obo, i boobaayey Maantuu adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba Maantay Cabbaas ku ajaleen, awlixii waranka Maantii Iblayskii Iljeex na ibtilaynaayey Idilkiiba Subayr maalintuu, oboda ii dhiibay Maantaan islaan iga naxiyo, ehel xigaal waayey Arbow Ina-Garaad Yuusuf , baa aanadey galaye Waatuu akhbaartii i yiri, aaminka ahayde Waa tuu isagu iiga degay, ooglihii farase Inkastoo amxaaro u kacee, ferenji aanaystay Usaga iyo ubadkuu dhalayba, waw abaal gudiye Maruun baan amah bixi, haddaan iilka lay dhigine Markuu roob onkodo baan lahaa, ilindidow geeye Aroos iyo waxaan rari lahaa, awra jeexya lehe Waxaan omoska sii marin lahaa, xamarro oog dheere Usna manta keer soo ambaday, inankii weeyaane Sidii aabbihiis oo kalaa, laga idaayaaye Wuxuu iila ekoon yahay midaan, ina illaawayne Alaakoodsha oo wiilku, yuu agab la’aan sheegan Afka wuxuu ka dooniyo, wuxuu uur ka rabo siiya Ninkii loo ixsaan falahayaba, iniq u dheereeya.

Dulucda

Abaal-gud loo sameeyay inankii uu dhalay Cabdi Garaad Yuusuf oo Sayidka uga digay shirqoolkii Gurdami.