MAADEYS
Waxaan muran ka joogin in Sayidku ammaanta fardaha hanaqaad ku ahaa oo aqoon dheerna u lahaa. Sida badan waxaa fardaha lagu ammaani jiray geeraar. Gabayga soo socda waa kii labaad ee uu Sayidku faraska la baxay Maadeys ku ammaanay. Daraawiish wuxuu markaan ku guubaabiyey inay dagaalka gaalo ku mintidaan. Laakiin inkastoo gooddi, faan iyo hanjabaadi ay gabayga ka muuqdaan, haddana dulucdiisu waxay tahay in Sayidku Eebbe ka beryay inuu faraska u daayo oo uu gacantiisa ku raago, wuxuuna yiri:
Waxa loo maleegtami jahaad, milaygii joogaaye Muslin iyo kufraa loo xarbiyi, labada meeloode Murtad weeye gaalada ninkaan, moosinkow tegine
Ku mintida xarbiga waw qabnaa, muunyo iyo ciile Muramaysta dirirtiisa waa, mahadin doontaane Murkuu geliya maarraha kufriga, waydin moogyahaye
Aniguna haddaan meleg i helin, soo maroorsadaye Waxaan maylinkuu rabinayaa, caro milaadkeede Masaafooyin kulul baannu marin, aniyo Maadeyse Maadeys: Faras ka mid ah fardaha Sayidku ku dhaaran jiray.
Majiiraha rogaalkaa wax badan, mowtigood geliye Korkiisa magoolka u eg baa, dhidid madoobeyne Boorkaa malleelkaa ku noqon, sida makhaayeede
Markiciisa orodkuu kabtiga, muxubbo rooraaye Sida mooladhaabuu cashriga, saray u moohaaye Gorgor samada meehaabi baa, lagu maleeyaaye
Iiddoorka miirida ah buu, meyra ka eryoone Meeshiyo magaalooyinkuu, maata doox dhigiye Muluq buu ka siin reerihii, may xarayn jiraye
Macluun weeye oo neefku waa, mahad Ilaahaye Mar hadduu maqaanaha ku xidho, maanku iga raacye Midigtayda Eebbow u daa, Maalik baad tahaye.
Dulucda
Waxaan muran ka joogin in Sayidku ammaanta fardaha hanaqaad ku ahaa oo aqoon dheerna u lahaa.