Gabay Sare

MA SABAAN KA SABAAN BAAN

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Wax badan baa Ingiriisku ku dadaalay Daraawiish inuu heshiis nabadeed la dhigto. Taasi waxay keentay in xaashiyo badan lays dhaafsado, si waanwaan nabadeed loo helo. Daraawiish waxay la ahayd inaan taas sina loo arkayn iyadoo Ingiriis dhulka Soomaaliyeed isaga mooyee, iyo dad iyo duunyo wixii Daraawiish maagga iyo gardarrada uu uga dhacay ama uga laayey isagoo bixiya maahee. Guyaal badan hadday taasi socotay, guul iyo go’aan midna aan laga gaarin, qallooc iyo qunjuruufana Ingiriis dayn waayay, dagaalna lagama maarmaan noqday, ayaa Daraawiishi col qalqaaleen. Usagoo Sayidku colka guubaabinaya oo guuto bixinaya, wixii lagu falay iyo waxa ka maqanna xasuusinaaya, waxay ka fali doonaanna u tilmaamaya, ergo iyo af beenina inaanay wax tarayn ogeysiinaya, waxa la gudboonna u shcegaya, waxa la filaayana samasaadinaaya, ayuu yiri:

Ma sabaan ka sabaan baan, nabad saafi ahaayoo Sukuudoo edeb yeeshayoo, sowd xun aanan lahayn

Ma sabaan ka sabaan baan, salowgaan kicinaayiyo Saryankaan eryanaayiyo, sakhraankii iska daayay

Ma sabaan ka sabaan baan, so’yaqaanka dugaaggiyo Haadkii aannu sabaynayn, soominnoo qadinayoo

Ma sabaan ka sabaan baan, safarkaygu xirnaayoo Suuqyadii Buullaxaar iyo, Saaxil aannan tegeynoo Ma sabaan ka sabaan baan, sabadii Cagadiid iyo Suubaankii Ballishiil , Soobir aannan ku maalin

Ma sabaan ka sabaan baan, sida siigiyo cawsha Saraar meerid ahaayoo, saafuroo aan maqnaayoo

Ma sabaan ka sabaan baan, sowjad aan nin lahayniyo Sebi aabbihii waayay, sabab beena ku daajay

Ma sabaan ka sabaan baan, silcayeyda haweenkiyo Salowgii ka baxaayey, saraarkii gelin waayay

Ma sabaan ka sabaan baan, ergo soogan ahaayoo Suudigii aan maraayey, sammaadeeyay jirkaygoo

Ma sabaan ka sabaan baan, raggaygii la sadqeeyay Soofkaygii la xaraashay, sed yaa iiga cesha subax noolba lahaa

Ma sabaan ka sabaan baan, Sumeynow ina daa iyo Sarkaalowda hayayoo, saamacow lagu waayey Ma sabaan ka sabaan baan, su’aashii Rabbigey iyo Subxaanow Nebigii iyo, saalixiinta xusaayoo saacaygi i hayey

Saxayoo maxumaynoo, sarmaseegto u diidayoo Sowd kalaa daba yaallee, bal aan kaana sifeeyo

Ma xalaa la i suurshoo, samadaa la i geeyoo Salaloo isla boodayoo, saarkeygii i qabtayoo

Ma sawaadka habeen baan, inaan suulasha laabtiyo Sin intaan u fariistiyo, neexadkii kari waayey

Ma salaadda Ilaah baan, sahwiyoo garan waayey Ma soortii aan cunaayaa, sibir ii dhadhantayoo

Ma sawaalka boqoolaan, sardankaan guntanaa iyo Sammaddii aan maraayaa, sugulkaa iga yeelayoo

Ma suugaanta nabadeed iyo, samaan baan la helaynoo Inaan saamax ahaadaan, sina loo arkihaynoo

Ma samuuladka roob iyo, suuligii Maka yiilliyo Sibbaakh khayli la moodyow, Dhooddi baan salabeeyoo

Ma fankaa sallaxoobayoo, sinmayoo aan dhinnaynoo Ma sakaarkiyo laabtay, sikiibowday baruuroo

Ma sarbaabka qandoodkiyo, surka baaca ka weyn baa Wax suurreeya la waayay

Salalkii caddiintiyo, sudeenkiisa dushiisiyo Salladaan ku fariistiyo, sararuu ma balbaayoo

Guudku soohdin haruur iyo, ma sabuul baxay baa Dhegihiisu salaadooyin iyo, samayooyin miyaayoo

Sanqaroorkiyo fooddiyo, sawriciisa wanaaggiyo Salaantiisa wujuuhdu, ma shiikh saahidabaayoo

Seedihiisiyo jiidhku, ma soofaa adakaayo Afartuu ku saqleeyo, ma safeexad biraayoo

Hadduu soosiyo qayliyo, sannahaabo dareemo Indhuhuu selledaayoo, ma siraad la shidaayoo

Mar haddii salow daaro, salaaxiisiyo shiishtiyo Sin ha looga wareegiyo, saahidkey badanaayoo

Haddaan suufka hullaabto, sabarkiisa boggaagiyo Sarruxuu hinqiyaaye, ma saaweer qalanjaayoo

Sanqaraare caroodkiyo, safalkiisa buruudku Ma subbeehi iblaysoo, saacaddaynahayaayoo

Meelay siigo ku duushay, seenyo ay olollayso Wixii saab la ahaayiyo, sarkaalkii lagu toogtuu

Ka sad qaadan yaqaane, suuddannay ma jinnaayo Saxayoo ma xumayno, sarmaseegto u diiday

Sowdkalaa daba yaallee, bal aan kaana sifeeyo Ma siddeetan ululufoo, saadadii jabartiyo

Sinjigay laga uumaa, siraayuu guntatayo Ma siddeetan ululufoo, sadarkii cilmigii iyo

Suuraddii albaqraad, subcisaa umashaayoo Ma siddeetan ululufoo, saajacoo aan baqaynoo

Suufiyoota dagaalkaa, saanadii xiratay Ma siddeetan ululufoo, sumicii wadatoo

Saabuul khayli ku joogtaan, sida suurka afuufi Ma Soomaali riddowdaan, midaan saabka ka toogtiyo

Midaan suunka ka gooyiyo, midaan saabir ka yeelo Saddexdaa aan huraynoo …

Ma safkaannu collowniyo, suweeyaa inankiisiyo Saaxir xayra dayeenaan, sadaqo looga luraynoo

Kuwii suudha xumaa iyo, kuwii seynta lahaa iyo Maan safkii Hagar Aaden, sogob aanan ka yeelin

Kuwii diinta siraayey, sallallaahu caleeyhi Sunnihiisa khilaafaa, sandalaa laga jeexi

Ma kuwii sunta leefiyo, saruuq baan fakanaynoo Ma ruuxaan sababaa baan, sayi’aad ka kordhaynoo

Ma sawaab iyo khayr baa, samaydayda ku dheehan Waa siyaada Ilaahe, ma sareedo adduun iyo

Simaadhii jannadii baa, nala siinahayaayoo Ma Subayr-Cabdilliyo, intii diinta siraysiyo

Intii loobadda seegtaa, ka subxaana lillaahiye Sakharay lagu geynoo!

Dulucda

Wax badan baa Ingiriisku ku dadaalay Daraawiish inuu heshiis nabadeed la