Gabay Sare

LA’AYE CALI-GERI

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Abbaaraha markay Daraawiishi Cal u guurtay xaruntana Jiidali iyo Mirashi laga dhigay, ayaa Daraawiishtii Nugaaleed col ku saartay niman gees u baxay. Waxaa nimankaa lagu galay dhulka Ciid loo yaqaan ee galbeed ka xiga Buuhoodle, si xun iyo si xil leh ayaa nimankaa warmaha loola dhacay. Sayidku markuu ka war helay nimankii in laga libaystay ayuu gabaygan tiriyey oo wuxuu yiri:

Nimanyahow cishiyo leyl war baa, igu cusboonaane Hadba amar cishiga laga idmaa, cawga ii imane Cajabayey bal aan dhaho halkii, ila cuddoonaadey Cawgii baddii iyo anoo, Cal iyo Buur jooga Warka xalayto Ciid yimi, waa cawo adduune Cajabayey sidee baan qalbiga, uga calool reemay La ye col iyo gaas baan u kacay, Ceelal iyo Laaso La ye Caligeraa loogu tegay, cirifka Buuhoodle La ye Eebbahay baa caddibay, cadowgii gaaloobey La ye maalintii lagu cartamay, caymo kama joogin La ye caagayey! buu yiri dadkii, nagu cayaaraayey La ye ciilasha aan qabniyo, caradii waa reebnay La ye Hiirad ceeryoon markii, ciiiki lagu boobay La ye caadaqaataha tukaa, laga casheysiiyey La ye coobir baa cunay ninkii, cagaba weynaaye La ye caaqilow Ina-Dhiblaa , cududihii gooyey La ye waa calaacalay markii, ciiska lagu boobay La ye Ina-Cawiifeed baquu, Cadan ku weydaartay La ye cayrta baa diley fuley, caadadiis tahaye!

Dulucda

Abbaaraha markay Daraawiishi Cal u guurtay xaruntana Jiidali iyo Mirashi laga