Gabay Sare

LAALAYS

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Guud ahaanba Soomaalidu, fardaha waagii hore waxay u ahaayeen gumaro la dugsado, gaar ahaan Daraawiishta waxayba u ahaayeen halbowlaha naftu ka haldhag leedahay. Faras magaciisa la oron jiray Laaleys ayaa Sayid Maxamad u dhiibay afar nin oo wuxuu yiri: “Si wanaagsan faraska u dhaqaaleeya.” Maalintii dambe ayey ku yiraahdeen “Sayidii faraska naga qabo.” Sayidku wuxuu yiri, “Ceelka geeyoo waraabiya, dabadeedna keena.” Faraskii markuu biyihii cabbay ayuu bakhtiyey. Raggii iyagoo jarihii wata ayay Sayidkii u yimaadeen. Sayidku wuxuu u qaatay inay iyagu kas u dileen, wax ku caddeeyana lama hayo. Dabadeed, Sayidku wuxuu mariyay gabay aan intiisii badnayd la helin, waxaana Sayidka ka soo guuriyey Darwiish la odhan jirey Maxamed Xoosh Dheere:

Xuseenoow war laabuda haddaad, an iga laameeri Waxa igu lillaahiya inaan, laayacaad ahaye Laaleys siduu iiga lumay, luudis baan ahaye

Kob uun baan ku laabnahay, sidii liite doora lehe Laafyaha waxaan baacin jirey, laabtay gacantiiye Luuqyada haddaan mari, gabdhuhu igama leexdaane

Lar kacaan didayaa sidii, layli cararaaya Lawaaxiga dharaareed cidlaan, layrsanahayaa Lubbigeyga kaliyaa fadhiya, lebi dabeyl weyne

Qorrax liicday goortay shamsadu, libiqsatoo ciirto Waxaan soo lug qaadaa markay, laxuhu ciiraane Laankaan fariistaa sidii, layf martaaniya e

Waxay laabtu ii ruxan duqii. luqunta weynaaye Isagaa kolkuu lumay qalbigu, ii lalabayaaye Waxa labalegdaha ugu wacan, laaqanaan tebiye

Dagaaikaan ku laablaabi jirey, igu luggooyeene Libaas kacaya loolima dagaal, leebi dirirteeda Laqwina maayo maantay cirradu, laaca ii tahaye

Luggooyooyinkaan qabo Rabbaan, laxawga moogeyne Ma liibanayaaloow kufray, lib u walwaaleene Waxaan laabta ku hayaa inay, laqamma hcereene.

Dulucda

Guud ahaanba Soomaalidu, fardaha waagii hore waxay u ahaayeen gumaro la