Gabay Sare

KUWII CARARAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Sidaan horay u soo sheegnay Daraawiish carar iyo baqaba ceeb bay ku ahaayeen, hase yeeshee, nman aan dagaal aqoon u lahayn ayaa duulay mar ay ka war heleen ciidan Ingiriis inuu foodda ku soo hayo, waxaanalaysku helay Caynaba. Dabadeed, nimankii markii xabbaddu isku dhacday ayey baqo jaanta wareen. Sayidkii isagoo canaananaya una sheegaya inay caado aan Daraawiish lagu aqoon curiyeen, ayuu gabaygan mariyey. wuxuu yiri:

Kuwii cararay maantii kufrigu, ciiro soo kiciyey Coodkooda nimankii baxshayee, ciiska rogi waayey Carabley ku joogeen kuwii, cayris kaga rooray Cakuyey! Kuwii dib u curtaa, ceebta noo dilaye Cudurlaaga waa lagu yaqaan, inay cabsoodaane Waa caadadood baqo inay, caga caddeeyaane Maantaan cirroobiyo anoo, canug ah oo wiila Carradaba wax badan baan maroo, coobir baan ahaye Cawroo kalay nagu noqdeen, caabuqii didaye Allahayow, Canjeelkii tanaa, iiga ciil badane Anna carada waxa iigu wacan, waa cid li’idiiye Cashadii Daraawiish hadday, cidaha noo joogto Cindigaan ka suuraynayaa, camalladoodiiye Sidii aar cargaagtamahayey, caran lahaayeene Ciyoontaba waxaa dhici lahaa, dirir cafaariide Caddaan miiran iyo Sowjar bay, cani lahaayeene Cafi ma laha nimankii dorraad, gaalka caawiyaye Cadowgood Alluu-jebigu waa, nagu cayaareene Casiisow cadaab duulku waa, caasi khayr darane!

Dulucda

Sidaan horay u soo sheegnay Daraawiish carar iyo baqaba ceeb bay ku ahaayeen,