KUFRIGA INA GABRAARAYA
Lama hubo in gabaygan Sayidku mariyey iyo in Darwiish kale mariyey. Mid kastaaba ha mariyee wuxuu kula hadlaayey Soomaalida guud ahaan - isagoo uga digaaya gumeysiga iyo foolxumadiisa, kuna guubaabinaaya gaalada inay waligoodba la dagaallamaan, dalkodana aanay marnaba u oggolaan. Darwiishkii aanu gabaygan ka soo guurinay wuxuu inoo sheegay in Sayidku uu mariyey, hase ahaatee, dad kale ayaa nin kale ku sheegay, sidayse u muuqato waa maansadii Sayid Maxamed, wuxuuna yiri:
Xalay gelin dhexaadkii miyaan, gudub u soo boodey Sida nimanka gaadhka ah, miyaan gabay ku soo jeeday Garaad-laawe aadmiga miyaan, gees walba u eegay Goonyaha miyaan deyey kufriga, ina gabraaraaya Gaalkaan gudneyn ee cirradu, guudka ka caddaatay Asaad gudaha ge’edaha ka baxay, guri cidla ah mooddo Oo uu gisiinkiisu yahay, neefaan biri gaa’irin Oo guuldarreystow khamriga, gacan togleenaaya Gini-gini haddaad qaadataan, naari daba joogto Guushiyo hadday doonayaan, geelal iyo xoolo Garaadkood ba’yow may tagaan, goonyihii xarunta May nala garaacaan, kufriga gocorka laadlaadshey May goobtan joogaan jannaa, loo gembiyayaaye!
Dulucda
Lama hubo in gabaygan Sayidku mariyey iyo in Darwiish kale mariyey. Mid