Gabay Sare

KU MILAADA

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Gabaygan lama hayo ujeeddadii loo mariyay iyo dantii laga lahaa midna, waxaa la garanayaa inuu Sayid Maxamad Daraawiish ku gubaabinayey, kuna dhiirrigelinaayey inay dadka colka la ah ama gaalada miirida u ah iyo dadka Dariiqada ka fakanaya laayaan, naxariisna aysan u gelin, wuxuu Sayidku yiri:

Macnaha Keenadiid laguma oga, magac Islaameede Murtad weeye oo ferenjiguu, maandhihiis yahaye Ku milaada inuu muumin noqon, uma malaysaane

Iiddoor macaankii jannada, macamidii seegye Mursadii Berbera loo dhigay, mugane aadaane Ku milaada maaltooyadu, waa malaanmaliye

Dad ninkii mahdiga diiday, oo gaal u muxubbaysan Macbuud Alluu gooyay, iyo Maxamadkeenniye Ku milaada mowtidii la naar, waa makhruun falane

Nin mahduushiguu muuqataan, maanki kula joogin Magalootigiisii ha arkina, waa wax kaa maqane Ku milaada caawuu mir kici, maleg Alluu keenye!

Dulucda

Gabaygan lama hayo ujeeddadii loo mariyay iyo dantii laga lahaa midna, waxaa la