KOOFIL
Markay taariikhdu ahayd 1913kii ayey Daraawiishi ku duushay Ingiriis iyo cawaankiis iyo kuwii miirida u ahaa. Weerar lixaadle ayey ku ballaariyeen degmo ku tiil Burco iyo agagaarkeeda. Maal waxay lahaayeenna gacantay ku dhigeen. Nimankii xoolahaa la dhacay lahaa iyo Ingiriis oo isa soo biirsaday ayaa raacdo u soo birmaday. Gaal la oron jiray Richard Corfield, oo ka mid ahaa madaxdii ciidamada Ingiriiska dalka Soomaaliya u fadhiday, madaxna ka ahaa rukuubleyda Ingiriis (Camel Corps), ciidankiisii iyo raggii xoolaha laga dhacay ayaa raacdo u soo gurmaday. Xoolihii oo galabtii “Beer” meel la yiraahdo maraya bay garab mareen oo waxay u fariisteen buurta “Dulmadoobe” salkeeda. Waagu hadduu dillaacay ayaa Daraawiishi xoolihii oo duuban caasha u soo saareen iyagoo aan caad iska saarayn. Markay kaabiga u jireen meeshii colka gaaladu joogey ayay xoolihii hojiyeen, dagaalna ugu hub qaadeen. Dhawr tacshiiradood haddii lays dhaafsaday Corfield, oo colka gaalada madax u ahaa baa la dilay, raggiisiina waa la jebiyey. Madaxii Koofil iyo Gacantiisii midig baa Taleex la keenay si loo rumaysto geerida gaalka. Waxaa la yaab leh nin la oran jirey Ina-Weesaxume oo aan Daraawiish ahayn ayaa Koofil xoolo ka dhacay, dadkiisiina si xun ayuu u galay dagaalkaas ka hor. Dabadeedna ninkaasi wuxuu tirshay gabay kuhaan ah oo uu Koofil ku habaarayo. Waxaa gabaygiisii ka mid ahaa: Jihaad Taladii
Markaa ka dib Sayidka ayaa tiriyay gabayga soo socda oo uu Koofil ku hal qabsaday. Wuxuuna Sayidku yiri:
Adaa Koofiloow Richard Corfield: Gaal ka mid ahaa madaxda ciidamada Ingiriiska u fadhiyey dalka Soomaaliya. Waxaa laga soo wareejiyey Naayjeeriya, wuxuuna madax u ahaa rukuubleyda (Camel Corps). Koofil waxaa lagu dilay dagaalkii Ruuga (Dulmadoobe) ee Ingiriiska iyo Daraawiishta dhex maray 1913kii. jiitayaan, dunada joogayne Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede Jahannama la geeyoow haddaad, aakhiruu jahato
Nimankii jannow kacay war hay, jirin inshaalleye Jameecooyinkii iyo haddaad, jowhartii aragto Sida Eebbahay kuu jirrabay, mari jawaabteeda
Daraawiish jikaar nagama deyn, tan iyo jeerkii dheh Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jab iyo baaruud dheh Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh
Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh Anigana Jikrey Waa qori faransiisku sameeyey oo Daraawiishu haysatay. ila helaan, shalay jihaadkii dheh Jeeniga hortiisay rasaas, igaga joojeen dheh
Jiiraayaday ila dhacecn, jilic afkoodii dheh Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jiirarka u muuji
Nafjecleysigii baan u iri, jaallow iga daa dheh Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh Jeedaalladii baa indhuhu, kor u jillaadmeen dheh
Jimic kagama helin luugmadaan, jirixey ruuxuu dheh Markaan juuq iraahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh Dhaaxaan jalaacaye dheg baan, jalaq la ii siin dheh
Goortaan jarreerana gefoo, nolol ka jaan qaaday Sida janannadii horaa tashigu, igu jaguugnaa dheh Taladii jinnigu ii hormaray, jaasadeed helay dheh
Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh Markay, rubaddu jaw tiri or bay, iga ag jiibsheen dheh
Jidhkaygii bahal baa cunoo, jiitay hilibkii dheh Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh Jiljilladiyo seedaha tukay, igaga jaadeen dheh
Haddaan lays jikaarayn, tolkay laga jil roonaa dheh Weligood waxaa lagu jaraa, jilibdhig duullaan dheh Daraawiishi waa jibindhowga iyo, jowga soo bixi dheh.
Dulucda
Markay taariikhdu ahayd 1913kii ayey Daraawiishi ku duushay Ingiriis iyo