KALALAAGA AFKIISA
Dhowr gabay oo kala duwan ayaa Sayidku fardaha ku ammaanay. Geeraarka soo socda wuxuu ka mid yahay kuwii Sayidku fardaha ku ammaanay. Faraska geeraarkan loo mariyey miduu ahaa wax noo caddeeya lama helin. Darwiishkii laga soo qoray oo ahaa Faarax Baqardhe 1957kii, wuxuu sheegay in geeraarka lagu mariyey Taleex, wuxuuna Sayidku yiri:
Kalalaaga afkiisa, kaltabaa isku dhaaban Kalwis loogu ridaa, ma kullaabatadaa? Kamman laysku cajiimo, kakan buu calashaayoo
Kowlguun la dhacaaye, kadab soora miyaa? Kundhulaaga daloola, sida kiiriga weeye Hadduu neefta ka kiilo, kuraa fooryi miyaa?
Indhuhuu kulcinaayo, kuuligooda rogaayo Kurba weeye libaaxe, kar la oogey miyaa? Kalshadaa wajigiisa, bil kowaadda sideeduu
Kalxadaada ifiyaaye, kaah hadeenla’ miyaa? Hadduu qaylo kallaaxa, kaliifkeeda dareeroo Dheguhuu kilkilaayo, kitaab baalle mlyaa?
Guudku kaymo ameeroo, kal horaaddo lahaayoo Kowraxuu wacsadaaye, korjad cawra miyaa? Sitaac kaambuli weynlaa, kurka loo geliyaa
Kilkilaa u ruxaaye, kibiraani miyaa? Dushu waa kax bannaanoo, kohan mayso naftaaduye Korra weeye qabow e, kob bacaada miyaa?
Fanku waa kabbisaaye, korra weeye sarreysoo Kefed weeye daruuree, kuud dallaysan miyaa? Hadduu koosa raqleeyoo, kafkaftiisu ma waalla
Kasha wuu debciyaaye, kowshax gaabin miyaa? Haddii uu kabtimaayo, kacdinkiisa galowgiyo Haddaan qoofal kabaaba, kaltabaa ugu dhacdo
Kiirriskuu dhutinaayo, kubku naafa miyaa? Haddaan kaabka rikaabka, koro oo isku taago Kufaayoo lama daace, kur dhaadhaba miyaa?
Haddaan guura kadiidno, habeenkii kiniyoonno Korka wayga dedaaye, kiini howda miyaa? Meel kaliil hoga oonoo, kabajaagu dhawaaquu
Kafiil iiga noqdaaye, kal xareeda miyaa? Col haddaannu u koodno, markii kiidibku jooguu Kabdhoodkoo u baxaayoo, kaalayeyda hayaa?
Kalaalaa shirameedkuu, nin karmeedka maqlaayoo Kalaakalkiisiyo sowdkuu, kasayaayoo gartaa Majeerteen kol la sheegyoo, kinsigaynu lahayn buu
Kaxaystee igu duusha, kowlaanteed rag ku baan Ragna koonfur taggeeda, wuu u kaakicinaayay Kalab weeye Hiraabee, Kaa ha la isku dareersho,
Kowlaanteed rag ku baan Reer Subayr kaba weyne, wax dhaaxuu koda dhafay Kaa ha la igu dareersho, kowlaanteed rag ku baan
Rayid waa kirishtaanoo, Koofil weeye dhashiisoo Kaa ha laygu dareersho, kowlaanteed rag ku baan Ragna kaas nagu diid, aan shirshoore kadeedno
Kitaabtaas la collownaan, kurtayuun ku heshiinnay Kabashkii la sikiimaa, kumbiskiis la taxdaayoo Sibraar aan kogsanayn baa, karuurkii lagu qaatay
Kooxdii noogu horreysaa, geelii kuurka u gaadhay Kaabiguun buu jiraaye, ka degaay ma dheheen Iyadoo koorinaysa, karoorkaas ka badnaatay
Kaamil loo wada eegay, ka degaay ma dheheen Kura kiira saqaafe, kob cagaar leh maraaya Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen
Cag kash-kaash la waddeeyey, korjoogaan u maleynay Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen Kaadidoodiyo raadka, kol dhaweyto ahaana
Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen Dhengeddii ay kurteen, kurtunkoodii qoyaami Kuuligaannu ka qaadnay, ka degay ma dheheen
Koorib-naarka shaxdiisiyo, kataantuu ka jareeyay Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen Kalmoontii qallixii iyo, kowraxdaan qallallayn
Kuuligaannu ka qaadnay, ka degaay ma dheheen Kigta weerar daryaanka, shiinbiruu ka wadaanoo Fiintu kiida gurtaaye, ma qiyaama kacdaa!
Dulucda
Dhowr gabay oo kala duwan ayaa Sayidku fardaha ku ammaanay. Geeraarka soo