Gabay Sare

KAARSHOW CAMAADAA TAHAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Gabaygaa hore markii la tiriyay ka dib, ayaa Daraawiish caratay oo colaad iyo caraad, weerar cad la xiratay. Dharaartii dambe ayaa Kaarshe cidahoodii col la geliyay oo mareegaha loo furay, raggoodiina haadka loo wadhay. Dabadeed gabaygan oo digasho ah ayaa Sayidku mariyey, oo wuxuu yiri:

Kaarshow camaadaad tihiyo, eaama doora lehe Callinnimadu waa taad ku tiri, codaan ahaanayne Cadaab lagu ridyoow sida dameer, waadigii ciyaye

Waataad caraad ii lahayd, car iyo waywaye Carrabkaaga waa taad ka tiri, cuurar baan jariye Ceebaalayahow waadigii, cayda soo diraye

Aniguna cagtii waxaan ku iri, caallayahow jooge Casha fuushayaa iyo baddiyo, Cadan u dhooftaaba Inaan lagu cafiyin waanigii, kuu cayimay jeere

Haddii shalayto ciriiriyo habaas, culus laguu keenay Cidihiinna oo idil haddaan, caymo lagu reebin Oo adiga cararkii dorraad, lagugu caateeyey

Cashiirooyinkiinnii haddii, cidhifka loo qaaday Oo caaradhuubtiyo warmaha, lagu cuquubeeyey Oo curaddadiinnii tukaha, lagu cayaarsiiyey

Cabaadkii ka baxay Cali Barraan, la cajabaayaye Kolkii ciiski weyn lala dhacuu, caagaagey! yiriye Cindigey waxaan goconayaa, codoshadiisiiye

Cabdulle iyo Warsame waanigii, dhigay ciriiddiiye Waxaa Shire warmaha loogu cugay, cadho daraaddeede Waatay sidii cawl bakhtiday, cadayga jiifsheene

Caqli haddii ad leedahay wax baa, la citibaarshaaye Cindigaa wax laga fiiriyaa, caynka ay noqone Curka laguma soo dhego waxaan, kuu cubtamihayne

Nimankii cabiidshaannu nahay, gaalka coofta lehe Adiguna caskari baad ahayd, caadaqaate ahe Haddii adan na caaliqin annana, kuma cisaarreene

Caawana maxaad oron lahayd, cayn kalaa yimide Mase waad calaacali gun bay, caadadeed tahaye Citibaarta adigaa faliyo, camalka shaydaane.

Dulucda

Gabaygaa hore markii la tiriyay ka dib, ayaa Daraawiish caratay oo colaad iyo