Gabay Sare

JIDKA ADARI LOO MARO

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Guyaashii dagaalku ka dhex socday gumaysigii Ingiriisku madaxa u ahaa iyo Daraawiish, dagaalkiina dhulka Soomaaliyeed gees walba ugu fiday, ayaa dad badan oo Soomaali ah gumaysigii raaceen iyagoo u adeegaya. Markii weerarkii, gabagabihii iyo dooxatadii bateen, nabadgelyadiina geed dheer oo aan laga soo rogi karin lagu laalay, oo ay Daraawiish iyo dad intiisa kale noqotay. Afxumadii iyo edebdarradiina ay tardhaaftay ayaa Sayidku gabaygakan tiriyey. Usagoo dadka colka u ah u gooddinaya, ama Daraawiish ku goobaabinaya dagaal iyo aargudasho, una tilmaamaya dadka uu doonayo in lagu duulo ama waxyeello loo geysto, gaar ahaan Ingiriis, Amxaaro iyo dadkii raacay ayuu yiri:

Xuseeneo ikhwaan baynu nahay, uur ka soo baxaye Allaa igu ogoo waa rabaa, aynigaad tahaye Oroh kalana waa eray yaraan, kuu erganayaaye

Wax alifka lagu qaadayaa, aayadaha diine Waa kuu iftiimayn sidii, oogta waaberiye Afar halaan kuu alaladey, balaan adiga kuu sheego

Haddii aanan Majeerteen sidii, ari u iideynin Ararsamiyo iiddoor haddaan, iranka loo qaadin Oo aanan irbaha dheer ka jarin, eyda reer Hagara

Awlaxa haddii aanan la dhicin, niman Ogaadeena Nin ankiray shareecada haddaanu, eedin taladiisa Kii oroh xumaan jiray haddaanan, aabbe kaga yeerin

Ololaha colkaan wado haddaan, laga ashaatoobin Jidka Adari loo maro haddaan, laga ugaaroobin Meesha iyo Iimey haddaanan, weerar ku ekaynin

Ilkadheere iyo Luuq haddaanan, lagu awaareynin Ajiga Waama joogow haddaan, oloku soo gaarin Adduunyada haddii anan ka shabin, tan iyo Aw-Dheegle

Nin adduunyo foofsada haddaan, uunka laga waayin Bullaxaar agteediyo hadaan, Awdal yaacin Ooryaha Amxaaradu haddaanay, Cadan ka awlaynin

Ingiriiska eyga ah hadduusan, baqe ku aynfaadin Goortaan awaawiyo hadduusan, oogsan oo cararin Agabtiyo haddii uusan qubin, aaladdiyo seefta

Haddii aan islaaxi Berbera lagu abaaroobin Oo anan albaabada qufulin, ila xirkii daarta Oo ayan eber noqon kobtii, la istareexaayey

Igarriyo haddii aanu rag kale, aakhirow hoyannin Oo aanan sidii aar libaax, wax u unuun goynin Soomaaliyoo idil haddaan, laga imiil qaadin

Ab uu yahayba aadamigu haddaanu, eeratuu diririn Oo aanan u aar gudin raggii, naga afdhowraayey Allaylehe islaan baan ihiyo, umalku waa beene.

Dulucda

Guyaashii dagaalku ka dhex socday gumaysigii Ingiriisku madaxa u ahaa iyo