ISNA WAA SHIDDIYO HOOG
Rag badan bay Sayidka wada hadleen ama isu gabyi jireen, Cali Aaden Calidhuux oo ugu dhiirranaa ayaa Sayidka u mariyey gabayo badan oo foolxun. In kastoo Sayidku arrimo kale ku daray masafadan, haddana ujeeddadiisu waa jawaabtii afxumadii Cali Aaden markay la kharaaraatay. Wuxuu Sayidku yiri:
Nimaan sharraxa diimeed, shaynaha ka suurayn Haddii aad usheegtana shaqfadloo, aan garanayn Adiguna aad shiikh tahay, usaguna sharmuud yahay
Oo kula shikaayoon, illeen waa shiddiyo hoog! Nimaad gabar la shaaximay, shuqduf ilaxir ugu gelin Oo shuqul gohaadeed, shararraaxin ugu dari
Oo sheemadii geel, boqol xerada ugu shubi Oo shaharka jiilaal, shabcanaaya caanaha Oo sheelka gurigaa, shirka talada loo wici
Oo kuu shisheeyaa, usna waa shiddiyo hoog! Bal nin adiga kuu shara, adna aadan shaxeexayn Shuqulkii yimaadana, shiqiyoo aan yeelayn
Oo aan shaqaaqiyo, shuushuudaa deynayn Oo shiranka madashaa, sheeddoo isaga bixi Oo shalay wuxuu dhigay, maanta kuu shintirinayn
Shareecadiyo khayrkana, shifa aan ku dhiganayn Shaata haddaa ka baridana, shanshada kuugu dhegihayn Oo shuuqiyoo kari, iblays baa shidaaye
Shanfac oday Alluu-naar, usna waa shiddiyoo hoog! Bal nimuu shakaashoo, u shaqeeya ferenjiga Oo shan iyo toban beri, shaabuuga lal dhicii
Shafshafana loo siinayn, kolay shaata mida tahay Oo shaaca waabberi Cadan, shacabka ugu kici Aan shuuna oronayn, usna waa shiddiyo hoog!
Bal nin gaal la shaarugay, shaabbaddiina lagu dhigay Oo shurugga fuudoo, shaarubbada aan xiirayn Oo ama shukaan wada, ama shuqul kaluu qaban
Muslinkana shabbihid kule, usna waa shiddiyo hoog! Bakhayl shaacug weynloo, shiila duxa aan lagu qorin Oo kuu shumbucullayn, intuu mara shullaha dhigo
Oo sheegiyoo been, shaadir barale kugu wari Oo kuu shafeecayn, usna waa shiddiyo hoog! Nin shaaficidu rabtee, ku shuhroobay fulannimo
Shimbirahana aan hubin, hadday shabbaxleeyaan Oo aan shihiidkiyo, shiishkiyo xarbada tegin Sharaarana aan deynayn, usna waa shiddiyo hoog!
Gabay nimaan shib ka ahayn, misna shaacir ku ahayn Aan shaqalka ugu dhigin, madka iyo khifiga shaqal Oo xarafka sheegiyo, xuduuddana shirrabihayn
Oo shooliyoo oran, shafkeygaa wax jiifaan Sheegaye midkaasuna, usna waa shiddiyo hoog!
Dulucda
Rag badan bay Sayidka wada hadleen ama isu gabyi jireen, Cali Aaden Calidhuux