ISMAACIIL MIROW
Ismaaciil Mire oo guuto Daraawiish ah oo korjooga ah ku haysta buurta Ceeldhaab, dhulkana wax degma ah aan lagu ogeyn ayaa ilaalo diray, dabadeedna wuxuu ogaaday inay tahay degmo Daraawiish dakana ka qabtay oo guban ka soo baxay. Kolkaasuu Sayidkii wuxuu u diray gabay farriin ah oo wuxuu yiri:
Aabbow xaqeygii ma deyn, igana duugowye Nimankii ikhwaankii dilaa, meel dhow soo degaye Dabka xalay badweyn iiga baxay, waan ku diirsadaye Dantayna ma aha inaan daayo oo, dib uga laabmaaye Raggii aan la dibad meeri jiray, doorkii laga laayey Kolkii shalay Ammaan laga dilay, dib isu laabeene Waa daaluqsaday Xaashigii, ugu da’ weunaaye Ducaaliyo ma wadin Jaamac-Cudur, inay dambeeyaane Kollay habrey dooxdaan Ilaah, deeqi waa badane Duullaanka may soo baxshaan, dagay kufaarkiiye.
Gabayga Sayidkii markuu maqlay, waxaa u muuqatay hadalkaasu inuusan Ismaaciil ku habbonayn, oo uu dadkii kala didiyey, dabadeedna wuxuu jeediyey canaan waayeel, wuxuuna yiri:
Ismaaciil Ismaaciil Mire: Wuxuu ka mid ahaa ammaan-duulayaashii ciidamada Daraawiishta, wuxuuna ahaa raggii dagaal iyo duullaanba wacdaraha dhigay goobaha badankoodna galay. Mirow taladu waa, eyddin kaa maqane Maandhow umuurtaadu waa, ababa’deediiye Maandhow adduun wuxuu ahaan, waadan idihayne
Maandhow aqoonxumadu waa, ku ambineysaaye Maandhow ninkaan edeb lahayn, waa Allow sahale Maandhow aqliga ha iska lumin, Eebbahay magane
Maandhow raggii aakhiraad, igu ohomsiinee Maandhow sidii ibilka way, ololinaysaaye Maandhow waxaad igu akhriyi, uurkutaalada’e
Maandhow ikhwaanki ma deyn, urugadiisiiye Maandhow alleylkii dhaxaan, alaladaaye Maandhow ilmada ha iga qubin, kaa afeeftamaye
Maandhow nin umal saaqayoo, ururxun baan ahayee Waxaan awlaaxu rabinayaa, aarsi dirireedee Maandhow awaal dagatey baan, aawilahayaaye
Maandhow Ducaaliyo wax yaqaan lama helin. Ammaan, waayey araggoode Maandhow kuwii iga ajalay, waa rkaa bixiye Aniguba ayaamaan lahaa, ha isallaaweene
Maandhow abaabaa kuu wadi, abadankeygiiye Maandhow dadkaad eriday baan, ururinaayaaye Maandhow ooho baan oron sidii, aaran baadiyahe
Maandhow intay iigu iman, odayadoodiiye Maandhow iliilahakaney, awr ku soo furiye Maandhow berry soo ekaan, ari sidiisiiye
Maandhow ixsaan lagama tago, eed haddaad faliye Maandhow ninkaad iniqdo, waa ku oggolaadaaye Maandhow haddaan inamo raro, way i aaminiye
Maandhow idday waxaan ku bogan, waa irdha la’aane Maandhow ninkaan aa’i, waw aamusahayaaye Aflagaaddadaadaan ka baqi, inay ogaadaane
Maandhow sidii aarka dhici, waw iigalaclayne Maandhow ilaaq baan ku wadi, aarankaan diliye Maandhow ku eersaday hadday, iga ufoodaane
Maandhow ugaadhaba xirkaa, laga agloolaaye Maandhow urtaan mari sidii, adamaddoonkiiye Maandhow arbaha ha iga didin, oofataan ahaye.
Dulucda
Ismaaciil Mire oo guuto Daraawiish ah oo korjooga ah ku haysta buurta