INDHA-CAADLAYAAL
Iyadoo ciidankii dagaalka ee Maarraweyn la baxay oo Daraawiishi ku faani jirtay ay jahaad dheer iyo hanoonis meela kala duwan ugu maqan yihiin, ayaa geelal irmaan ah oo xarunta loo caanateelo col-waqooyi galbeed uga soo duulay qaatay. Niman qusuusi iyo wadaaddo u badan oo xarunta joogay ayaa raacdo galay. Hasc yeeshee, geelii intaysan gaarin buu ka gurgalay, iyagiina raacdareeb baa heshay oo si xun iyo si xil leh rasaas ugu gashay. Dabadeed dib bay xaruntii ugu soo laabteen, waxaana lagu xantay inay soo baqdeen. Darwiishna baqaha iyo cararkuba ceeb aan harin bay ku ahaayeen. Sayidku isagoo nimankaas fuleynimo ku tilmaamaya, inay soo baqdeenna ku cambaaraynaya, ayuu gabaygan mariyey oo wuxuu yiri:
Allahayow nin libin cawrsadaa, caafimaad qaba e Nin kaloo iscakoodiyaan, calaf ka dheefeyne Citibaarahaan qabo balaan, caynka ka higaadsho
Indha-caadlayaashii dilay, col u qalqaaleene Kuwii carari jiray bay dagaal, caana geliyeene Cayn iyo Saraar jiidan bay, Carab u fuuleene
Ina-Qodob Warsame Qodob. cirbiidsiga miyuu, Cadar ku hayn waayay Cawskii bannaanada miyuu, caarad waran moodey Ma cambuulihii Qodax buuran oo ka baxda galoolka iyo sarmaanta, oo markii dabayli dhacayso sidii siiriga u dhawaaqda. fooryayuu, siidhi camal moodey
Obsiyii Obsiiye Seed Magan. Waa Sayidka abtigiis. iscoofaarin jirey, camal Dalaleedka Markii laysu soo ciyey miyuu, caday ka boodsiiyey Ma carcoorriguu baxay sidii, cawsha iyo siigga
Markuu Oogle Oogle Seed Magan. Waa Sayidka abtigiis. coolliyahayuu, cayda baadiyaaye Cidna uma bushuuq dhaho haddaan, la isu caaleyne Goortii ridada loo coguu, cayga soo qubaye
Candharaasha dumar buu yaqaan, ciir-ka-barigoode Mirihii Mire Gorgor Warsamc Magan. caseeyada ahaa, cabey ayaantiiye Colowow! miyuu yiri markii, lagu eayaaraayey
Markii Faarax Qaloombi Waaley Magan. cawcaw gabee, calalladli xooray Cuukaarsanow Guuliyaa Aw-Guuliye Xiddig Waaley Magan. , garab cambuullaaye Isaguna cabayr buu ka dhacay, curadkii looyaane Khaliif Looyaan Seed Magan, wuxuu ahaa Sayidka ina abtigii.
Weligiisba ciis sooma rogin, ciira dirireede Goortay ciriiriga gashuu, caano leeyahaye Gurxan cay nabkiisii miyuu, calaha jeexsiiyey
Markii lagu cabaaduu fuluhu, cimilka jeexaaye Cirba-salamadhlow Gaanni Gaanni Gaalleef Cali Xaad. , sow iskama caymin Cawska waaga iyo fiid miyuu, baqa ku caatoobay
Saleemaanna Ina ayihiisii wax garta lama arag. cawduu-billee, caariyuu falaye Ciyoonkaba hadduu kaga rogaan, cidi durreyseene Comcoomiskii Tuumiyuu, caaradkii tegeye
Cantallaaga Ina-Aadanaa, cawro sii dhigay e Cindixumo Qamaan Cabdi-Qamaan Aaden Ismaaciil. waa wixii, looga caal gabaye Iscamaaliqiisii miyaan, lagu caneeqaadin
Goortii rasaas loo cayimay, lagu cabbeynaayey Abshir Wuxuu ahaa la taliyaha Sayidka, ammaanduule ciidamada Daraawiishta, geesi dagaalyahan ah, waxaa lagu dilay Garloogube 1927kii, waxaana dilay ciidamada Talyaaniga. sow calaacal iyo way, kuma cataabeynin Sow caagayey lagama siin, calan intuu taagay
Isagaa naftiisii caddibay, callaggi dheeraaye Isagaa cariishkii ka baxay, cawda loo dhigaye Cawrala Cawrala Sayid Maxamad. miyuu moodayaa, cadawga reemaaya
Cadadkii Daraawiish ninkay, wada ciseyneysay Sidii caaddilkii boqor ninkii, cuurku daba joogey Xirsigii Xirsi Cartan Boos. na camajaajin jirey, haadda la cunsiiyey
Caydiid Caydiid Dige Dhoorre. jaloofihii miyuu, coobbaha u taagey Goortuu cabsood galay miyuu, nadi ku caaryeeyey Cantatoobsigii Bood miyuu, caga-bidhlaysiiyey
Cirinciir markii laga arkay, dib u cillaaleene Cararey! markii lagu lahaa, sow ma carareyne Cabbaas iyo Cismaan Cabbaas Xaaji Cabdiraxmaan iyo Cismaan Xaaji Cabdiraxmaan. Xaaji sow, caado kama jeexmin
Laba Xaashi Xaashi Fooyaan iyo Xaashi Cabdi Geydhe. ciiryaamadey, cabaska raaceene Darmaanihii cutuubiga ahaa, sooma celineyne Ceeriga maruun bay baqaa, ku callaqnaayeene
Cabdullaahi Cabdullaahi Aaden Oogle. baan uga rab oran, culus dagaalkeede Codkar geesinnimo looma filo, caynka uu yahaye Maxamuudna Maxamuud (Daahwareershe) Aadcn Oogle. tii laga coldhuu, caasigii goconne
Wiilkii cayaaraha nabdeed, la cabdillaynaayey Wiilkii cilaaq nagu dilee, ciriq xumoonaayey Ina-Cumar Cabdullaahi Xaaji Cumar Cusmaan Shiikh, waxaa lagu diley Gondadhiiglc. cafaaraha dhacuu, caarre jeedlay e
Weligood caddaan lagama helo, caamo hadalkeede Muusaa Muuse-Waranle Warsame. cargaagtamahayey, igu cabbeebsheene Goortii la caabbiyey Warfaa, Cali miyuu sheegtay?
Waa cawro nimankii dorraad, ceebta noo wadaye Mid caallaa cawaarguun midloo, madax la ciiraaya Mid caabuqa mid caaceeya oo, la candadowleeyey
Mid canda ah caama midaan, caynna garanaynin Mid cuuclaa mid ceesaan gadhlaa, cilin kabajaaya Mid calaana coon guuxayoon, caad u baxahaynin
Mid cigcigan mid ceerdhaansanoo, cugufta laabaaya Mid cafuufan cooflaha kaloo, cuf iyo baarkiiya Mid cantaray mid kibir caacicayoo, curarka seyraaya
Mid candhuuf tiriiriqinayoo, cadaf ka sii liita Mid catira cannaasaha manjaha, culuq la jiidaaya Carmal jilicsan caalyaha mid lula, caarka iyo fiidda
Mid cayuuqa coomaade godan, gorayo caal siiban Mid cawaran mid daba caysanoo, cayn ku meeraayo Mid cuqda ah mid ciil hore qaboo, cudur-Alluu-keena
Mid ceeqsaniyo mid ceel qodanayoo, ciidda faganaaya Mid ciddiya-farow iyo taah diloo, naga cidoobaaya Intaasoo carrada buuxisaa, laysku caajimaye
Bal haddeyan caawimada diin, ka carfi dooneynin Bal haddeyan waanada cilmiga, camal u yeelaynin Oo ayan cooflaha kufriga, ciiro diriraynin
Bal haddeyan coodkooda dhacan, culuq ka reebeynin Bal maxaa cadaab lagu ridyow, cagidi dhaafsiiyey?
Dulucda
Iyadoo ciidankii dagaalka ee Maarraweyn la baxay oo Daraawiishi ku faani jirtay