INA CALIGA DHAARANAHAYAA
Waxaan gabaygii B-da ahaa ee ka billabanayay “Bogadaawad waataan lahaa, Bari ka soo dhiibe” arrintiisa ku soo sheegnay, in Sayidka iyo Maxamuud Cali Shire gadaal ka colloobeen oo dagaal badani dhex maray, duullaamana la is gashay. Haddaba mar uu Maxamuud Cali Shire Daraawiish geel ka dhacay oo uu geel badan oo Sayidku hore u siiyay ku darsaday, Darwiishnimo ha ku siiyo ama Bullo Cali Shire yarad ha ugu bixiyee, ayuu Maxamuud xoolahaas ku faanay. Dabadeedna Sayidku gabayga soo socda ayuu jawaab ahaan u mariyey. Lama hubo in Daraawiishi gabaygan ka dib geelii dib u soo dhacday iyo in kale, waxaase muran la’ ah in geelaasi ugu dambayntii xarunta ku soo noqday. Wuxuuna Sayidku yiri:
Nimanyahow dibnaha lagama dhaho, dhood aan run ahayne Ina-Caliga Maxamuud Cali Shire. dhaaranahayaa, dhoohanow falane Dhab waxaan ahayn lama raboo, waa dharrici weyne
Dhoodkiisa iyo faanku waa, dhuuso tuug ridaye Hadalkiisa dhiicada leh yuu, nagu dhalleecayne Dhaandhaanku waa waxaan aqoon, dhowrsi iyo ceebe
Dhif ha laqee waataan ku shubay, dhaqankii xoolaade Waalay dhuunigaygii wax badan, dhugux ka siiyeene Waalay abaaraha dhag yiri, dhereg la jiifeene
Wuxuu noo dhurnumin waayay waa, dhimira gaabnaane Dhallaan weeye oo waa waxaan, dhowrsi garanayne Dhirta wuxuu la jiiraana waa, dheelallaahada e
Waa dhaaraan run ahayn wuxuu, dhiibanahayaaye Wow dhoy la’aan inuu gob iyo, dhalad ismoodaaye Isu dhererinteyduu ku lumi, dhagafki gaabnaaye
Dhibkii aniga iga gaaray baan, dhiilla noqonayne Dhiigiisu waa fududyahoo, waa dhurwaa lumaye Dhuurkiisu waw bixi hashii, dhaayinka ahayde
Calahooda dhaadheer hadduu, dhuumashow geliye Dhoobada magaalada haddii, dhabarka loo saaray Inkastuu dhawaaquu la ciyo, dhebi anaa qaatay
Inkastuu dhegeeyada warkaa, dhulalka qaadsiiyo Marna hadduusan dhaqaaqayn, muxuu dhicidda moodaayay?
Dulucda
Waxaan gabaygii B-da ahaa ee ka billabanayay 'Bogadaawad waataan lahaa, Bari