ILAAHEENNII JALIILKA AHAA
Daraawiishi waxay ahaayeen habeen iyo maalin niman dagaal iyo jahaad u taagan oo qarfaafo iyo qalalaasana ku jira. Quraanka iyo caqiidada sida loo barto iyo dhigashadoodiina waxay u baahan tahay fadhi iyo degganaan, maxaa yeelay waxay ku qoran yihiin af carabi adag. Sidaas daraaddeed ayaa Sayidku caqiidadii af Soomaali ugu beddelay si ay dadka waxbarashadu ugu fududaato. Kolkaas caqiidadii oo af Soomaali ah oo lagu marinayo jiibka la yiraahdo jiifto waa tan, dadkiina si dhib yar ayuu u bartay. Wuxuu yiri:
Ilaaheennii jaliilka ahaa labaatan sifaa, u waajibtayoo Inuu jiro baa u waajibtayoo, hadduusan jirin ma joogneen Hadduu ina joojiyaad aragtaan, inuusan jirin ma suurowdo Inuu jiri jiraa u waajibtayoo, haddii kale yaa jirreysiiyoo Inuu jiri doonaa u waajibtayoo, haddii kale yeyna jaaseynoo Jinni iyo insiba waa khilaafsanyahoo, haddii kale waaba jayshkoodoo Sidii dadka jiir iyo dhiig ma lehoo, sidii axad meel ma joogsado Jinaad iyo feero dhinaciyo, calool iyo bariyo joof ma lahoo Janbeyn iyo koriyo hoos ma lehoo, jaliil jaah horiyo dabi ma leh Ilaah jismigeenna haw dayinoo, haddii kale laysku jaangooyoo Jaliil kelinnimaa u waajibtey, ninkii jigtayow jaxiima galey Ninkii laba jago jeclaysanayey, jifeeyaay waa junuun falan
Hadday jiniin wada abuurayaan, alley jilicanaa Ilaahyadu Jamaalka Ilaah ninkii qaybshow, Allow jahanama ha kaa deyn Ninkii bir jarbarid u waajibiyow jiriid kuus, jaawa geel waa waayoo Jaahaa gubayey jalleeca xumow, allow yaa qool ku jiqilleyoo Ninkii jaxarnimo sifuu baadiyow, jar dheer baa Eebbe kaa ridi Nolol jiridaa inuu leeyahay, wallaahu waygu jaamaca Haddii kale waa jamaad ruuxlee, nuxuu jilahoo cid tarayaa Wuxuu jiriyo waa awoodaayoo, hadii kale yow jiriirixin
Ninkii jebin kara anow fasaxaye, ninnaa jeefaafo haw gelin Ninkii xarbad jilibka ugu dhigayow, jiilaajilo badan usoo guro Jaliil qudra ma leh jikraar weeyee, dadow jamacoo bal jiir uun Haddaad jigateen jid roon qaadoo, jaahilyow Eebbahaa baro Haddii kale anigu kaa jeestaye, baluun juuq gabana iga maqal Jinnigii isha caddaa iyo, aabbow jifiliille kuu tali llaaheen lama jikraarayoo, wuxuu doonuu jiteystaa
Haddaan xukunkiis sidii jibin dhicin, jabaabiraduusan laayeen Waxaan jaad samayn Ilaahay ma amree, Allow aan helo na jeefagan Haddii uu jirimo kula doonana, jidka rillo kuma ibaaxayn Wixii uurka laga jeclaysanayiyo, llaah Jowrka waa arkaayaa Wixii bad moolkeed ku juluq yiri iyo, wixii jiifa waa ogsoon yahay Wixii jira waa arkaayaayoo, wixii joogana waa arkaayaa
Wixii jurmaliyo wixii sowd leba, jamiicinimo waw arkaayaa Haddii kale jiita oo dhuuntoo, ku jawjawleeya Eebbehayoo Wixii juuq yiri Ilaah maqalyoo, waxaan juuq oronna waa la midoo Haddii aan jubuq Ilaah maqli karin, muxuu baryada uga jawaabaa? Wixii dhulka hoose jeeb ku leh iyo, wixii jiriba waa ogsoon yahay Haddaan been lagu jalbeebanahayn, waxaan jirinna waa ogsoon yahay Ninkaan hadalkayga juqihaynow, haddaan lagu jirin ku jaangoosoo Ninkii janna doonayow joogsoo, kalaakalkaygaa ha jaaxidin Ninkii muuminnimo u jeelqabow, xayaadkayga u jimiimica Sidii jaan karuur u fiiqsada oo, sidii ramag jaar ka buuxsada Sidii jookhiyo xariir u jantoo, sidii jirka dhacay u jalalaba Sidii jirka roob anow u da’yee, Allow yaa xamasha iga jaqa
Allow yaan gaal la jaal noqonoo, Allow yaan diin jaadixinoo Allow kuwa nalalku soo jaadiyo, Allow jaajuuska yaa jara oo Allow wixii lagu jihaadaayaba, Allow yaa jiira oo mara oo Allow markii sumucu jow leeyahay, Allow baqe jaanta yaan warin
Allow girligaanku waa johorade, Allow yaa jiita oo hela oo Allow jirrabbada adduunkaa iyo, Allow naar nooga jeer dhaafoo Allow jid siraad na dhaafsiiyoo, Allow jaarkaaga naga yeel.
Dulucda
Daraawiishi waxay ahaayeen habeen iyo maalin niman dagaal iyo jahaad u taagan