HUNGURI SUBEER
Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayadii Halacdheere ku saabsanaaa, Hobyana ka billowday, loona waddamiyey bari, galbeed, koonfur iyo waqooyi, Sayidka oo la yiri wuu ka qaybqaatay wuxuu yiri:
Hunguri Subeer wuxuu ka ridi, hogobyo shaydaane Mar haddaanu heeg dheer lahayn, ama hoggaan ceeja Wax hubaal ah waa inuu ka iman, haradi ciideede
Waa waxaan habaaroo Ilaah, heeray boqontiiye Hidyaa wadatay wiilkii, hadduu hilinka soo qaaday Huwan muu u kaco kuma qaddeen, hodon qabeenkiiye
Hartidaba wax badan baa ku nool, hilib ugaareede Koluu hiirad oo kale noqdoo, ibilka haaneedo Bal maxaa Hobyuu u dhigay, arladu kala hoyaad roone
Hargawaaxiddii baan ku dilay, tuugga haysha lehe Hanqarkii rasaastaa wadnuhu, la halcanaaye Guutooyinkii loo humeey, hadafka raaceene
Hanbo kaa sugaa ama hoheey, kugu haguugaaba Hanta nimaan lahayn looma tago, holaca jiilaale Haaweyda aan dhacay maxaa, haatufka u geeyey?
Iyaguba halaaggaan badey, la hundhuraayaane Daraawiish hinfirinimay wax badan, hanatay reerkiise Waxay ka hanfariireenba waa, huubo dooro lehe
Hawiye iyo Daaroodba waa, hayb ka gooniyahe Ma way sooryadiin helin karaan, ma hagranayaane Miyey hadi karaayaan wax bixin, heliba maayaane!
Nin hammuunta kaa bi’inahayaa, lagu haddoomaaye Mar hadduu hadaadumo, xarrago haybaddeed malehe Haadaa qabiil nimaan ahayn, hibo miyuu dhiibi?
Qamaanow Qaman Bulxan Yuusuf oo ahaa gabayaa caan ah. hiddada meel san baa, lagu hagaajaaye Hadku waa hadkii idin khatalay, Haraddigeedkiiye Hannaankiina nimankii yiqiin, weydinkii huraye
Haddaad diinta soo haybisaan, kuma hungowdeene Haadaan waiaa idinku guray, habaski gaabnaaye Hadalka Keenadiid buu maqlay, hayaad kale mooge
Haddeer iyo haddeer goor qallaa, halaba keenaaba Haamaan idiin shubi lahaa, halab karuurkeede Haleelooyinkaa idinku filan, hootanuugta ahe
Hareerihiinna waa dhigi, waxaad ku himbilyootaane Intaad higis dhan soo qaadataan, halacna too raacsha!
Dulucda
Hunguri Subeer wuxuu ka ridi, hogobyo shaydaane