HAWIYE
Gabaygan hoos ku qoran qof war buuxa naga siiya ama dhammaystira lama helin, Cigayoon, si uu uga war keena gaalo iyo waxay maaggan tahay.Gabaygan oo guubaabo. Dhiirragelin, iyo tilmaanba ah ayuu Sayidku mariyay, Darwiishkuna markuu soo noqday gabay buu ku warramay. Waxaa ayaandarro noqotay in labada gabayba aan la helin wax inta qoran dhaafiya, wuxuuna Sayidku yiri:
Maandhow Hawiye ma aanan diran, maanta ka horoowe Bal inaad halyey leedihiin, la hubsan dooneeye Heelkaa horeetana Ilaah, hogol ha ka siiyo Geelkii Hargeysaad baruur, ka hirqan doontaaye Iiddoor hanfade weeyaane, oo kuma hadaayaane Hannaad baa Ilaahay ka dhigay, hoos u farara e Meeshay ku haasaawayeen, horay u sii joogso Haylihii xumaa iyo, bustihii habacsanaa qaado Hana hagoogan waa tuhun, dharkaad hab isku siisaaye
Darwiishkuna markuu soo noqday isagoo Sayidka u warramaaya wuxuu yiri:
Sayidii geddoodii la baray gaala qurunleeye Soo guure oo waxay degeen Dabagallooleeye Tuulo u dhexaysa Burco iyo Shiikh Wuxuu gaashka dhow damacsanaa Gobobkii Gobab Burco ku yaal oo hadda loo yaqaan, Gobabkii Ina-Igarre. dheeraaye Waagoo guduutay alaab gibila qaataan e Gubniyuu u kala joojiyaa gegi habaas weyne “Goo” iyo wuxuu “Raydh” lahaa waanan garaneyne Gudub bay u fuulaan fardaha gaban sidiisiiye Sayiddii darmaan gaaxsanaa gaari mahayaane.
Dulucda
Maandhow Hawiye ma aanan diran, maanta ka horoowe